Dalka Qatar Oo Raggu Khaatiyaan Ka Taagan Yihiin Qiimaha Kharashka GuurkaDoha(Araweelo news Network) Dalka Qatar oo ka mid ah dalalka Khaliijka wuxuu safka hore kaga jiray dhinaca dhaqaalaha ayaa sanadihii u danbeeyay ay soo waajahday dhaqaale xumo, taas oo saamayn ku yeelatay

 

nolosha bulshada, gaar ahaan waxa si weyn u kordhay kharashka Guurka oo sababay in ay ragga dhalinyarada ah ka maagaan guurka.
Dawlada Qatar ayaa bilawday qorshe ay doonayso in wax lagaga qabto qiimaha guurka ee kor u kacay 1mly oo lacagta qadar ee Riyaalka ah.
Warbaahinta Carabta gaar ahaan kuwa kasoo baxa dalalka Khaliijka ayaa mudooyinkii u danbeeyay bogga hore kusoo bandhigayay mushkilada ka taagan guurka ee u dhaxaysa Ragga iyo Hablaha, iyadoo qiimaha Hoolasha munaasibadaha Aroosyada dalka Qadar lagu qabto kiradoodu gaadhay  inta u dhaxaysa QR7,000 – QR70,000, taas oo aanay awoodayn qaar badan oo dhalinyarada dalka Qadar.
Golaha deegaanka ee dalka Qadar ayaa dhinacooda bilaabay qorshe ay ku doonayaan in wax lagaga qabto arrintaa ayaa wada qorshe la doonayo in xeer loogu sameeyo kirada Hoolalka lagu qabto Xafladaha Aroosyada, kaas oo la doonayo in aanay ka badan Hoolalka kiradoodu inta u dhaxaysa QR5,000 -QR10,000, lacagta riyaalka ee dalkaa.
Sideed iyo toban xafladood oo Aroos ayaa ku kacay isku cel-celis ahaan kharash dhan QR70, 000 ilaa QR150,000, taas oo noqonay mid muujinay dhibaatada haysta dhalinyarada doonay in ay xaflado u samaystaan Aroosyadooda.
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *