Hargeysa(ANN) Madaxweyne Siilaanyo ayaa isku shaandhayn, xil ka qaadis iyo magcaabis ku sameeyay golihiisa wasiiradda iyo Hay’addaha kale ee Dawlada qaarkood, waxaana xilkoodii waayay sadex ka mid ahaa kuwa lagu tiriyo Wasiiradiisa kuwa ugu culus, kuwaas oo kala ahaa
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Wasiirkii oo ahaa W/ Maaliyadda, Prof. Ismaacil Muumin Aare oo ahaa Wasiirkii W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka iyo Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo ahayd Wasiirkii W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada.
Subaxnimadii hore ee saaka ayaa mar keliya lagu waaberiistay isku shaandhaynta, xil ka qaadista iyo magcaabista masuuliyiinta ee uu xukuumaddiisa ku sameeyay Madaxweyne Siilaanyo. Inaksta oo ay dad badani filayeen, isla markaana naawilayeen dhawrkii bilood ee u danbeeyay talaabada Madaxweyne Siilaanyo ku gelalafay xukuumaddiisa, balse waxa aan si dhab ah loo ogayn sida ay wax u dhici doonaan.
Waxaana ka dhashay doodo ay bulshadu si weyn ugu qaadaadhigtay isku shaandhaynta iyo masuuliyiinta xilkooda waayay, iyadoo ay qaybo baddan oo bulshada ka mid ahi soo dhoweeyeen isku shaandhayntaa, balse ay jireen qaar kale oo doonayay in la sameeyo isku shaandhayn iyo in xubnaha golaha wasiiradda qaarkood xilka laga qaado, balse waxay kuwa doodahan qabaa aanay filayn in sadexda wasiir ee Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi , Prof. Muumin Aare oo ahaa hawlaha Guud iyo Marwo Ilhaan oo ahayd Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada ay raacayaan liiska debeda la dhigay.
Sidoo kale qaar ka mid ah Bulshada ayaa durba ku dooday in isku shaandhaynta Madaxweyne Siilaanyo sameeyey ay xilkooda ku waayeen laba ka mid ah sadexda wasiir ee gobolka sanaag kaga jiray xukuumaddiisa, kuwaas oo kala ah Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo ahayd Wasiirkii W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada iyo Wasiir ku-Xigeenkii W/ Maaliyadda Warsame Siciid Cabdi, kuwaas madaxweyne Siilaanyo daaqada ka saaray, isagoo aan bedelkoodii la samayn. Sidaana ay ku waayaan bulshada gobolka Sanaag laba ka mid ah sadexdii wasiir ee ay ku lahaayeen xukuumadda oo marka horeba bulshada gobolka Sanaag saluug badani ka muuqday. Laakiin isku shaandhaynta iyo xil ka qaadista ayaa la filayaa inaanay intaas ku ekaan, balse waxa jira tibaaxo sheegaya inuu Madaxweyne Siilaanyo soo wado isku shaandhayn kale oo galaafata masuuliyiin kale sida wasiiro, wasiiro xigeeno, agaasimayaal iyo saraakiil kale.
Dhinaca kale dad baddan ayaa su’aalo iska weydiiyay Masuuliyiinta la magcaabay qaarkood oo ay ku adkaatay inay aqoonsadaan kuwa ay yihiin, ama meelaha ay ka shaqayn jireen marka laga reebo dhawr masuul oo ay dadka intooda badani garanay, kuwaas oo aan ku cusbayn saaxada siyaasada iyo fagaarayaasha. Waxayna masuuliyiinta xilalka Madaxweyne Siilanyo u magcaabay ee cusubi iyo meelaha ay ka yimaadeen yihiin sida;;- Cabdicasiis Maxamed Samaale, Gudoomiye xigeenkii Koowaad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada
Axmed Cabdi Xaabsade oo Hore u ahaa Wasiirka War-faafinta Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Muj. Cabdi yuusuf Ducaale (Boobe), oo ahaa saraakiisha Akademiga Nabada. Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Warfaafinta.
Cali Siciid Raygal oo ahaa Maareeyaha Madbacada Qaranka Somaliland. Waxa loo magacaabayWasiirka W/Cayaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka, iyadoo Maxamuud Axmed Barre (Garaad), Xubin sharafeed Golaha Guurtida, horena u ahaa golihii Wakiiladda ee Hore loo magcaabay Wasiirka W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada.
Cabdilaahi Abokor Cismaan oo ahaa Xoghayaha gudida Qandaraasyada qaranka, ayaa (Xil Cusub) loo magacaabay, isagoo noqday Wasiir ku-xigeenka Daakhiliga ee dhinaca Amniga, halka Wasiir ku-xigeenkii hore uu ahaan doono Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Maamulka ee W. Arrimaha Gudaha, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) Qurbajoogii KULMIYE, Waxa loo magacaabay Wasiiru-Dawle Cusub W-Maaliyada ah
Mawliid Maxamuud Ibraahim (Ina Maxamuud karaani) oo Hay’addaha Caalamiga ah la shaqaynjiray, isla markaana waqtigan ka mid ahaa saraakiisha Gudida Qaranka Ee HIV AIDS, Waxa loo magacaabay Wasiir ku- Xigeenka W/Arrimaha Dibadda , halka Nuux Sheekh Muuse Ducaale, wasiirkii Ganacsiga waqtigii Xukuumadda Daahir Rayaale loo magacaabay, Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha .
Sidoo kale Maxamed Cumar Cabdilaahi oo ka tirsanaa maamulka Edna Hospital ayaa loo magacaabay Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Shaqaallaha. Mudane Axmed Xuseen Oomane, Wasiirkii Kaluumaysiga Waqtigii Xukuumaddii Marxuum Cigaal iyo xiligii Daahir Rayaale. Waxa loo magacaabay Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka South Sudan
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com