Wasiirka Maaliyadda Samaale Oo Sheegay In Aanu Ka Tanaasulin Hankiisa Siyaasadeed

Hargeysa(Araweelo News Network)Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa si cad u sheegay in aanu ka tanaasulin hankiisa siyaasadeed, isla markaana uu yahay

 

musharax Madaxweyne marka la gaadho dhamadka xiligga ama teeramka labaad ee Madaxweyne Siilaanyo.
Wasiir Samaale oo hadalkaa ka sheegay mar uu maanta ka jawaabayay khilaaf warbaahinta qaarkeed qoreen oo sheegayay inuu soo dhexgalay isaga iyo Gudoomiyaha Baanka Dhexe, wuxuuna waxba kama jiraan ka dhigay warkaa sheegaya khilaafka u dhexeeya wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga dhexe.
Hase yeeshee Wasiir Cabdicasiis Samaale oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay mustaqbalka hankiisa siyaasadeed waxa uu si cad u sheegay in aanu ka tanaasulin hankiisa siyaasadeed oo ay ka go’antahay in uu Madaxweyne ka noqdo dalka marka uu dhamaado teeramka labaad ee Madaxweyne Siilaanyo, balse waxa uu sheegay in uu ka tanaasulay musharaxnimada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, taas oo uu sheegay in uu uga tanaasulay Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi.
“Way iga go’antahay in aan mar Madaxweyne ka noqdo dalka oo ka midnoqdo musharaxiinta Madaxweynaha, marka la gaadho doorashada Madaxweynaha ee uu dhamaado teeramka labaad ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo)” ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *