Xinjiangmuslim1Xinjiang(Araweelo News Network)Dawlada Shiinaha ayaa mamnuucday in dalkeeda laga soomo bisha Barakaysan ee Ramadaan oo dunida Islaamka oo dhan laga soomo,

 

mas’uuliyiinta deegaanka gobolka Xinjiang ee galbeedka Shiinaha ayaa gebi ahaanba Muslimiinta ka mamnuucay in ay soomaan inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Dadka sida agaarka ah loogu bartilmaameedsaday amarkaa ayaa la sheegay in ay  ka mid yihiin shaqaalaha dowladda, macalimiinta iyo Ardayda, kuwaas oo ka soo jeeda qowmiyadda Uighur ee laga tirada badan yahay ee degta gobolkaasi oo ay u badan yihiin Muslimiintu.

Mid ka mid ah ururada ay leeyihiin dadka ka soo jeeda qowmiyadda Uighur oo dibadda ka jooga dalka Shiinaha ayaa sheegay in xukumaddu ay xitaa dadka siinayso cunto bilaash ah maalintii si aanay u soomin bisha barakaysan ee Ramadaan.

Qaar badan oo ka mid ah dadka qowmiyadda gobolkaa degta kasoo jeeda  ayaa ka cabanaya in hoggaamiyeyaasha Shiinuhu ay weerar ku hayaan dhaqankooda, waxayna ugu baaqeen hay’addaha caalamiga iyo mujtamaca muslimiinta dunida in ay usoo gurmadaan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *