Lagos (ANN)Diyaarad ayaa ku dul bur-burtay dhismayaal ku guryo ku yaala xaafad ku talaa magaalada Lagos ee dalka Nigeria maanta. Diyaaradaa oo siday dad rakaab ah, waxaa ku dhintay 153 qof oo saarnaa diyaaradaa rakaab ah, balse lama sheegin dad deganaa
dhismahaa iyo kuwo ka ag dhowaa oo ku dhintay shilkaa.
Madaxweynaha Nigeria, Good luck Jonathan, ayaa ku dhawaaqay in saddex cisho oo baroordiiq qaran ah oo loo sameynayo dadkii ku dhintay shilkaasi, sidoo kale wuxuu amray in baadhitaan lagu sameeyo wixii sababay masiibada shilkaa.
Saraakiisha hay’adda Duulimaadka ee Nigeria, ayaa sheegay in diyaaradda bur-burtay ay leedahay shirkadda Diyaaradaha ee Dana, taas oo kasoo duushay Axaddii magaalada Abuja kuna socotay Lagos, balse markii ay soo gaadhay Lagos ay ku dul-burburtay guri dhisme laba dabaq ah oo ku yaala xaafad ay dadku aad u dagan yihiin, iyadoo markaa ka dib dab u qabsaday guryo kale oo meesha ku yaalla.
Shirkadda diyaaradaha ee Dana oo ah shirkad duulimaadyada diyaaradeheedu gudaha dalka isaga gooshaan, ayaa leh dhowr diyaaradood oo nooca Boeing MD-83 ah, kuwaas oo sameeya dullimaadyo qaata 4 saacadood oo ay u kala duuleen Abuja iyo Lagos.
Ilaa hada lama garanayo sababta diyaaradu ugu dhacday dhismahaa, balse madaxweynaha dalkaa ayaa sheegay inay baadhayaan sababta keentay shilkaa oo uu ku tilmaamay mid masiibo ah.
Araweelonews Mobile