Burco(ANN)-Hal askari oo ahaa denbi baadhe ayaa ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay laba sarkaal oo Bilayska ka tirsan,

kuwaas oo kala ah Taliyihii Qaybta Bariga Togdheer Yuusuf Shire iyo Taliyihii Saldhiga dhexe ee Burco oo waqtigan lagu dawynayo cusbitaalka magaalada Burco

 

Ka dib markii koox loo malaynayo inay doonayeen inay  falal argagixiso ka fuliyaan Somaliland ay Bilaysku ku weerareen guri ku yaala xaafada Oktoobar  oo ku taal dhinaca koonfur bari ee magaalada Burco,  kuwaas oo ay tacshiirado rasaas ah is weydaarsadeen ciidanka Bilayska xili ku beegan duhurnimadii maanta. Laakiin waxa jira warar kale oo sheegaya inay ciidanka Bilayska oo eryanaya Nin dhalinayro ah, kaas oo gurigaa galay isagoo qaylinaya oo leh” iga reeba’. Balse ay dadkii gurigaa ku sugnaa oo mid aka mid ahi baastoolad rasaas ka furay, taas oo keentay dhimashada askarigaa iyo labada sarkaal ee dhaawacmay.

Waxayna Bilsyku halkaa ka soo qabteen 5 (shan) qof oo ku jiray gurigaa, kuwaas laba ka mid ahi Dumar yihiin, halka saddexda kalena ay yihiin Rag. Laakiin ciidanka Bilaysku waxa kale oo ay qabteen ilaa labaataneeyo qof oo looga shakiyay inay gacan siinayeen kooxdaa.

Sida ay shebekada araweelo u sheegeen galabta qaar ka mid ah saraakiisha Bilayska ee gobolka Togdheer waxa socda baadhitaan, isla markaana waxa galabta goobta falalkaasi ka dheceen maanta gaadhay cutubyo ka tirsan ciidanka Milateriga oo halkaa ka wada baadhitaano.

Inkasta oo gudoomiyaha gobolka ee Togdheer Jaamac Biin ayaa idaacada BBc-da laanteeda Afka soomaaliga u sheegay in la hayo hub iyo qalab loo adeegsado waxyaabaha qarxa oo goobtaa laga qabtay.  Balse waxa jira warar kale sheegaya in kooxdaa oo lagu sheegay inay ahaayeen  lix qof oo shan ka mid ah hadda gacanta lagu hayo, waxayna .arrintani ku soo beegantay wakhti lagu jiro ololihii doorashooyinka, oo loo qorsheeyay  26-ka bisha Juun inay qabsoonto doorashada madaxtooyadu, isla markaana waxa hore looga bartay kooxda xukuumada Madaxweyne rayaale iyo masuuliyiinta gobolkaa inay sheegaan dhacdooyin noocan oo kale ah, balse ku dhamaada sheekooyin iyo qorshayaal siyaasadeed oo kaanbeyn, iyadoo ay marar badan oo hore sidan oo kale badhasaabka gobolka Togdheer sheegay inay qabteen hub iyo qalab nooca loo adeegsado qaraxyada, balse markii danbe la waayay meel ay ku danbeeyeen.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *