Hargeysa(ANN)Xubnaha Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay inay Goleyaasha Baarlamaanka u taallo waxa laga yeelayo muranka ka taagan diiwaan gelintii codbixiyeyaasha ee lagu galay Doorashadii Madaxtooyada ee ugu danbaysay oo dalka ka qabsoontay June 26

ee sanadkii hore  2010.
Komishanka Doorashooyinka maanta hortagey Aqalka Odayaasha guurtida waxay  sheegeen inay iyagu awood u leeyihiin inay qabtaan doorashooyinka haddii diiwaan gelintii hore lagu gelayo iyo haddii la tuurayoba.  Sidoo kale waxay sharaxaad ka bixiyeen muranka ka dhashay xildhibaanada ka baxay Xisbiga mucaaridka UCID  eek u biiray urur siyaasadeedka Dawan ee uu dhowaan ku dhawaaqay gudoomiyaha Wakiilada Somaliland, taas oo muran  sharciyadeed ka abuurtay  UCID iyo gudoomiyaha wakiilada Cirro.
Xubnaha Komishanka doorashooyinka ee hortagay Golaha Guurtida waxa ka mid ahaa Guddoomiye Ku xigeenka Komishanka doorashooyinka Md. Cali-khadar Xasan Cismaan, Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Md. Maxamed Axmed (Geelle) iyo xubno kale.
Afhayeenka guddida Doorashooyinka Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) waxa uu ka waramay marxaladii ay ka la kulmeen markii la dhisay gudidooda  iyo sidii ay uga gudbeen  carqaladihii faraha badnaa ee waqtigaa yaalay, waxaanu yidhi,  “ Xaalad adag iyadoo ay marayso xaalada doorashooyinku ayaanu la wareegnay anaguna  illaahay ayaanu baryeynay in xaalad ay ummadu isku disho aanu nagu keenin ayaanu habeen walba illaahay  ka baryaynay, mushkilada ugu weyn ee meesha taalay waxay ahayd diiwaangelintii oo la isku qabsaday, markii xalkii aanu eegnay waxay noqotay in wixii aanu haynay doorashooyinka ku galno,waxaana ka dhashay doorasho xalaal ah oo lagu kala baxay.”
“Xeerku wuxuu dhigayaa in diiwaangelin lagu galo, diiwaangelintii aanu aynu haysanaa  waa taas lagu muransan yahay, dee anagu waxaanu nidhi maadaama uu xeerku waajibayey dee wax kale ma haynee taas uun aanu ku galno,”ayuu yidhi  Geelle.
Afhayeenka Komishanka doorashooyinka wuxuu u soo jeediyay Goleyaasha Baarlamaanka inay go’aan ka soo saaraan wixii laga yeeli lahaa diiwaan gelinta codbixiyeyaasha ee muranku ka taagan yahay waxaanu yidhi “Anagu wax ma samayn karo wax la isku khilaafsan yahay oo nabadgalyo daro ka dhici karto, golihiina waa golaha nabadgalyada ka shaqeeya, wixii nabadgalyo daro abuuraya in aad talaabo ka qaadaan imika xaalku waxa uu yahay anagu xeerkaasi ayaanu ku shaqaynaynaa oo waydinkii wakhtiga gooyey ee april sheegay in ay doorashadu dhacayso, madaxweynuhu saxeexay ee halkan ka sheegay, marka laba mid uun baa inoo banaan, haddii la isku khilaafo in sidii hore ee lagu gali jiray doorashooyinka lagu galo iyo Diiwaangelintaasi ma laali karno ee goleyaasha Qaranka oo Golaha Wakiilada ka bilaabmo Guurtidina ku dambayso haddii aad noo go’aamisaan in aan diiwaangelintaas dhinac iskaga dhigno doorkan maanta ah oo sidii hore ku galno idinkay idiin taallaa, haddii la isla garto in diiwaangelintii aynu hayno lagu galay diyaar baanu nahay.”
Warbixintaa  kadib ayay maudanayaasha qaarkood weydiiyeen su’aalo la xidhiidha  arrimaha doorashooyinka  iyo muran ka dhashay mudanayaasha ka baxay xisbiga UCID ee sheegay dhowaab inay ku biireen Urur siyaasadeedka  cusub ee  WADANI.
komishanka  oo la weydiiyay waxa ay ka qabteen muranka ka dhashay xildhibaanada ka baxay UCID, waxa ay noqonay komishan ahaan,  wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya  Guddoomiye Ku Xigeenka Komishanku yidhi, “ Dastuurka Somaliland waxa ku qeexan nidaamka qof lagu bedeli karo,  qof dhintay iyo qof iska casilay,  ama xanuunsaday oo shaqadiisii qabsan kari waayey, marka uu qof ka baxo waxa waraaq noo soo qora shirgudoonka oo ay shaqadiisa tahay inay yidhaahdaan
qofkaasi golaha wuu ka baxay, anagu weli sharcigii baanu ku taaganahay, haseyeeshee dastuurka Somaliland sida quraanka maahee ma dhamaystirna, meelaha qaarkood marka wax dhacaan dadkii anaga ayey noo imanayaan oo ay moodayaan in aanu anagu awoodii leenahay, anagu qoraalo noo yimi oo cabasho ah  oo labada xisbi soo qoreen ayaanu u gudbinay shirgudoonka, oo aanu ku nidhi “shirgudoon adinku warqada noo soo qora, awoodaasi ma lihin, dastuurkana kuma qorna adigiibaana(gudoomiyaha wakiilada) lagu haystaa,”  marka guddoomiye noo soo sharax arrintan inay banaan tahay iyo in kale, marka anagu nidaamka uun baanu marnay oo aanu waydiinay inay soo cadeeyeen inay sax tahay iyo in kale.”

sidoo kale mar la weydiiyay haddii ay doorashooyinku dib u dhacaan waxa laga yeelayo, waxa uu
ku jawaabay Guddoomiye Ku xigeenka Komishanku oo yidhi,  “marka hore sharciyada labada gole ayaa dajiya, haddii aad doorashada diiwaangalin ku gala iyo diiwaan gelin la’aan ku galo haddii aad tidhaahdan anaga wax na khuseeya maaha ee shacabka iyo xisbiyada ayey khusaysaa, horana waa aynu ku soogalnay diiwaangelin, diiwaangelin la’aana waynu ku soo galnay idinka ayey idiin taallaa, laakiin anagu waxaanu idiin sheegaynaa farsamo ahaan diiwaangelin iyo diiwaangelin la’aanba waanu ku qaban karnaa doorashooyinka.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *