Xasan SheekhMogadishu(Araweelo News Network)Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Somalia ee ka jira Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud inuu xilka iska casilo, taas oo

 

ay sabab uga dhigeen fashilaad ay sheegeen in ay ku timi dawladiisa oo awoodi weyday in ay samayso wax horumar ah.

Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa ku sheegay baaqooda inuu yahay mid lagu xoojinayo baaq qoraal ah oo ay todobaadkan soo saareen in ka badan kala badh xubnaha Baarlamaanka Somalia, kuwaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu xilka iska casilo, balse Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ku laabtay magaalada Muqdisho ka dib safar dhawr maalmood ah oo uu ku maqnaa dalalka debeda, ayaa ka cadhooday baaqa mudanayaasha iyo dhawaaqa lagu xoojinayo ee Ururada Bulshada, wuxuuna ku tilmaamay feker aan sax ahayn, isagoo ku faanay in dawladiisu wax badan ka qabatay Somalia mudadii ay jirtay.

Dhawaaqyadan ayaa kusoo beegmay, iyadoo beesha caalamku walaac ka muujisay xaalada Somalia. kadib markii ay mudooyinkii u danbeeyay sii kordheen weerarada ka dhanka ah xukuumadda iyo Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Mogadishu iyo deegamada kale ee Somalia, kuwaas oo ka imanaya Ururka Al-shabaab.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *