Hargeysa(ANN)Dhegeysiga fadhigii sadexaad ee maxkamadda gobolka Hargeysa ee dacwada Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw oo maanta hore loogu mudeeyay , ayaa baaqatay. Kadib markii uu ku gacansaydhay inuu kasoo xaadiro maxkamadda. Sida ay
shebekada wararka ee Araweelonews u sheegeen saraakiil ka tirsan garsoorka Somaliland, boqor Cismaan ayaa saaka loo diray gaadhigii la doonayay in lagu keeno maxkamadda, balse wuxuu diiday inuu hor yimaado maxkamadda.
Boqor Cismaan Buur-madaw, ayaa fadhigii labaad ee dhegeysiga dacwadiisa ka sheegay inaanu dib ugu soo laabanayn maxkamadda ilaa inta uu arkayo garsoor cadaalad ah oo ka madax banaan siyaasada. Kadib markii ay qareenada u doodayay ka bexeen difaaca kiiskaa, iyagoo ku dooday inay xeer Ilaalintu fulin weyday go,aan fadhigii u horeeyay ee dhegeysiga dacwada laga soo saaray oo ahaa inay soo bedelaan eeddaha ay maxkamadda hor keeneen oo aan waaafaqsanayn dacwadooda, haddii kale ay maxkamaddu go,aan kasoo saaray kiiskaa. Laakiin Xeer Ilaalinta ayaa u hogaansami weyday awaamiirta maxkadda, iyadoo gudoomiyaha maxkammada gobolka ee kiiskaa garsooraha ka ahaa C/rashiid Duraan ka laabtay go,aankiisii hore ee xeer Ilaalinta uu ku amray, balse qareenada difaacayay sidaa kaga baxeen difaaca kiiskaa
Tan iyo Markii Boqor Cismaan Aw Maxamuud loo taxaabay xabsiga badhtamihii bishii March, waxa soo baxayay baaqyo gudaha iyo debedaba kaga imanayay xukuumadda oo lagu canbaaraynayo xadhigiisa, iyadoo baaqyadaasi ka imanayeen Haya’addaha caalami ah ee xuuquqda Aadamada , waxaana ugu danbeeyay baaqyada xukuumadda lagaga dalbanayo in xoriyadiisa loo soo celiyo Boqor Cismaan 81 Madax-dhaqameedka Salaadiinta Somaliland oo laba maalmood ka hor kulan ay xukuumadda la yeesheen kaga dalbaday in xoriyadiisa loo celiyo Boqor Buur-madaw.
Sidoo kale Todobaadkan gudihiisa waxa xabsiga dhexe eek u xidhanyahay ku booqday Boqor Cismaan saraakiil ka socotay Hay’adda caalamiga ah ee Human Rights Watch, iyadoo ay horena Dublamaasiyiin shisheeye, Madax-dhaqameedka Somaliland iyo qaybaha kale ee Bulshadu baaqyo lagu canabaaraynayo xadhigiisa kasoo saareen, balse dhawaa qyadaa ayaa noqday kuwo ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo dhegaha ka furaysatay.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com