Hargeysa(ANN)Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa Maanta mar kale dib u dhigtay Dhagaysiga Dacwadii seddexda Masuul ee lagu eedeeyay Musuq-maamuqa Mucaawanadii Masaakiinta, kuwaas oo Xabsiga loo taxaabay Todobaadkii hore, isla markaana Maxkamaddu dib u dhigtay
dhagaysiga dacwadooda iyada oo todobada cisho oo rumaan ah udirtay.
Dadwayne Tiro badan oo ay Wehelinayaa Ehelada Qoysaska Masuuliyiinta ayaa subaxnimadii hore ee saaka soo buux dhaafiyay Barxada hore ee Maxkamadda si ay u goobjoog uga noqdaan Dhagaysiga Dawcawada lagu soo oogay Masuuliyiintan oo kala ahaa Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodi jeex Axmed X.Cumar C/llaahi (Xamarji), Agaasimihii hore ee Dib udejinta Axmed Cilmi Barre iyo La taliyihii hore ee Madaxwayne ku Xigeenka Somaliland Cismaan Siciid Jaamac. Iyadoo ciidanka booliskuna xidheen wadooyinka soo gala Maxkadda. Balse dadkaa ayaa ku dhowaad duhurkii ka dareeray halkaa. Kadib markii la keeni waayay eedaysanayaashaa.
Lama garanayo sababta dib loogu dhigay dacwada la filayay maanta inay ka bilaabanto maxkamadadda gobolka Hargeysa, balse Madaxa xafiiska xeer ilaalinta gobolka Hargeysa Mr San-jeex oo dadwaynihii Maxkamada halkaasi kusoo ururay la hadlay ayaa sheegay in kiiska masuuliyiintan loo saaray guddi soo baadha xaqiiqada eedaymaha ay u xidhan yihiin ee xilkii ay qaranka u hayeena looga qaaday “adeer maanta iyo maalmaha soo socda midna lama keenayo ee iska kala tagga, kiiskooda guddi ayaa loo saaraye” ayuu yidhi.
Dib u dhigista Dacwada Masuuliyiinta ku Xidhan Xabsiga Hargeysa ayaa dadka qaar ku abuurtay dareeno kala duwan iyada oo Qaar ka mid ah Ehelada Masuuliyiintani sheegeen in Danbigan dusha laga saaray Masuuliyiinta aanay jirin oo aan wax cad lagu hayn, isla markaan ay jiraan Masuuliyiin kale oo xilal sare haya, kuwaas ay suurtagal tahay inay galaan baadhitaaanada musuq-maasuqa lagu lunsaday raashinkaa ee loo xidhay sadexdaa masuul.
Dhinaca kale tan iyo intii ay xidhaanayeen saraakiishaa hore uga tirsanaa xukuumadda Somalialnd oo todobaadkii hore laysu raaciyay xil ka qaadis iyo xabsi, waxa soo baxayay dhawaaqyo lagu canbaaraynayo xadhigaa, kuwaas oo lagu dalbanayo in haddii ay xukuumaddu wax cad ku hayso dhakhso loo horgeeyo sharciga, haddii kalena loo soo celiyo xoriyadoodii.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com