Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa nasiibdaro ku tilmaamay natiijadii doorashada golaha deegaanka ee Hargeysa, wuxuuna  ugu baaqay gudidda doorashooyinka qaranka inay soo saaraan

 

natiijo sax ah oo lagu wada qanco.

Madaxweyne Siilaanyo oo maanta ka qayb galay munaasabad lagu xusayey 10 Desember oo ah maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul insaanka oo ka dhacday Magaalada Hargaysa, waxa uu sheegay inay  doorashadii Golaha deegaanada ee dhowaan dalka ka qabsoontay si nabadgelyo ah u dhacday, balse ay nasiibdaro ahayd natiijadii soo baxday oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.Sidaa awgeed wuxuu  ugu baaqay gudida doorashooyinka Qaranka inay  shacabka Somaliland iyaga ka sugayaan natiijo saafi ah oo dhamaan lagu wada qanco.

Madaxweynaha Siilaanyo, waxa uu tacsi u diray dadkii ehelada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay rabshadihii ka dhashay natiijada doorashada ee degmada Hargeysa, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay is dejiyaan oo aanay qalalaase samayn, isla markaana ay dhawraan sharciga iyo nidaamka dawliga ah, wuxuuna xusay inaan cidna laga oggolaanayn fadqalalo iyo rabshado waxyeela nabadgelyada dalka,isagoo yidhi,”Cidna ka oggolaan mayno inay carqaladayso amniga iyo xasiloonida Somaliland,”

Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo wuxuu sheegay inay Somaliland ixtiraamto xuquuqda aadamaha oo ay hore ugu qeexday dastuurkeeda, wuxuuna Hay’adaha xuquuqul insaanka Qarankana kula dardaarmay inay ilaaliyaan xuquuqda muwaadiniinta Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *