Muqdisho (ANN) Afhayeenka kooxda Al- Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa maanta digniin culus u diray dhammaan ganacastada iyo Mulkiilayaasha  leh hoteellada ku yaalla Caasimada dalka Somaliya ee Muqdisho, wuxuuna  ku wargeliyay in aanay ka kireyn Karin hoteeladooda xildhibaanada iyo masuuliyiinta kale ee DKMG Somaliya ka tirsan.

Sh. Cali Dheere waxa uu sidaa ku sheegay mar uu  maanta ka qaybgalay barnaamij ay idaacadda Hornafrik ugu soo badhigto masuuliyiinta Al-Shabaab inay dadweynaha reer Muqdisho Su’aalo ku waydiiyaan, isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan leennahay ka fogaada inaad ka kireysaan hoteeladiina xubnaha ka tirsan dowladda KMG ah, waayo waa kuwo aan wanaagsanayn, waxaan idin leenahay hadhow idinka saari mayso ganacsato ayaan ahayn.”
Afhayeenku wuxuu ku amray milkiilayaasha hoteelada inay hada ka saaraan masuuliyiinta iyo Xildhibaanada kirada ugu jira hoteeladooda, haddii kale ay la kulmi doonaan wixii uu la kulmay Hotel Muna, isagoo sheegay in iyagu aanay eedeeda lahayn arintaas.
Digniintan ayaa ka danbaysay ka dib  markii kooxda Al-Shabaab sheegatay weerar Salaasadii lagu qaaday Hotel Muna oo ku yaal magaalada Muqdisho, isla markaana weerarkaasu galaaftay dhimashada 33-qof oo ay ku jiraan xubno ka tirsan baarlamaanka iyo saraakiil ciidan iyo dhaawac aad u badan.
Mar la weydiiyay Sheekh Cali Dheere fikirka ay Xarrako ahaan ka haystaan dadka daggan degmooyinka ay maamusho DKMG ah ayaa sheegay inay yihin dad Muslim ah oo loo diiday inay ku dhaqmaan diinta Islaamka, ayna yihiin kuwa ay doonayaan inay ka dulqaadaan culeyska lagu hayo.
Sh Cali Dheer oo la waydiiyey wakhtiga ay joojinayaan dagaalada ay somaliya ka wadaan, ayaa tilmaamay in aanay joojinayn inta ay joogaan Somaliya wax uu ugu yeedhay Gaalo waxanu yidhi “Inta gaaladu ay dalkeenna ku sugan tahay waan wadaynaa dagaallada, waan in la ogaado in Muqdisho aysan lahayn Burundi iyo Uganda, innaga ayaana u harayna.”
Ugu dambeyn Sheekh Cali Dheere, ayaa sheegay in dagaalladii ugu dambeeyay ee ay la galeen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ay ka gaadheen guulo hor leh, isla markaana ay gacanta ku dhigeen goobo cusub oo uu sheegay inay kala wareegeen dowladda ku meelgaadhka ah ee Somaliya.
 Digniintan ayaa ka danbaysay ka dib  markii kooxda Al-Shabaab sheegatay weerar Salaasadii lagu qaaday Hotel Muna oo ku yaal magaalada Muqdisho, isla markaana weerarkaasu galaaftay dhimashada 33-qof oo ay ku jiraan xubno ka tirsan baarlamaanka iyo saraakiil ciidan iyo dhaawac aad u badan, iyadoo dhinaca kalena hanjabaada ayaa cabsi ku abuurtay ganacsatada iyo mulkiilayaasha Huteelada magaalada Muqdisho, kuwaas oo si weyn uga wer wersan in haddii ay huteeladooda ka kireeyaan masuuliyiinta dawlada Sh. Shariif lala beegsan doono weeraro qaraxyo hor leh.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *