madaxweyne siilaanyo1Hargeysa(Araweelo News Network) Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa miisaanitadii ugu badnayd u qorshaysay sanadka 2014.  Sida lagu soo bandhigay Fadhigii Golaha Wasiirrada Somaliland ee maanta oo uu gudoominayay Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa lagu  ansixiyay odoroska

 

miisaaniyad sanadeedka qaranka ee sanadka fooda innagu soo haya ee 2014-ka.

 

Sidaana waxa lagu sheegay  Afhayeenka Madaxtooyadda Saleebaan Dhuxul oo shirkaasi ka dib u waramayay saxaafada. Wuxuuna sheegay in miisaaniyaddani ay tahay tii ugu badnayd ee Somaliland yeelato, taas oo sida uu sheegay  gaadhayso 212 Milyan oo Dollar.

“Fadhigii maanta ee Golaha Wasiirrada oo uu gudoominayay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa goluhu ku ansixiyay odoroska miisaaniyad sanadeedka 2014-ka. Waxaanay miisaaniyaddani Goluhu ansixiyay ay dhammayd 152 Milyan oo dollar oo xukuumadda dhexe ah. Waxa kale oo jira miisaaniyadda haa’yadaha kale ee dawliga ah, marka wada guud ee miisaaniyaddu noqonayso 212 Milyan oo Dollar. Waa miisaaniyad aad u badan oo wax-weyn ka qaban doonta hawl-socodka adeegga dawladda,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyaddu.

 

Afhayeen Dhuxul waxa uu intaas ku daray “Waxa aad loogu ammaanay Wasiirka Maaliyadda sida daacadnimadda leh iyo kartida leh ee uu u soo saaray Miisaaniyaddan.”  Sidoo kale waxa uu  sheegay  in Miisaaniyadda 2014, ay  miisaaniyaddii sanadkan 2013-ka ka badan tahay 20%.” Isla markaana ay ku jiraan odoroska miisaaniyadan mashaariic faro badan oo horumarineed oo ay ka mid yihiin waxbarashadda, caafimaadka iyo guud ahaan adeegyadda bulshadda.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay In miisaaniyadan kharash loogu daray dhismaha jidka isku xidha Ceerigaabo iyo Burco. Waxaanu tilmaamay in Golaha Wasiirrada Somaliland ay shirkii maanta kaga dhawaaqeen in mid waliba 2, 000  kun oo dollar oo mushaharkiisa ah ugu deeqayo dhismaha wadada Ceergaabo  oo halbowle ah.

 

Dhinaca kale Miisaaniyadan oo noqonay  tii ugu badnayd ee Xukuumadda Somaliland yeelato mudadii ay Somaliland jirtay, isla markaana la diyaariyo iyadoo aan sanadku dhammaan. Waxa lagu wadaa in todobaadka fooda innagu soo haya loo gudbiyo aqalka Wakiiladda, kuwaas oo go’aan ka qaadan doona ansixinta miisaaniyada, isla markaana awood u leh inay wax ka bedel ku sameeyaan.

info@araweelonews.com
What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *