silaanyoHargeysa(ANN)Shirkii Golaha dhexe ee xisbiga muxaafidka ah ee kulmiye ayaa  lagu qabtay  magaalada Hargeysa waxaana Goobjoog ka ahaa

 

Madaxweynaha iyo ku MadaxWeyne ku xigeenka Somaliland, Hogaan ka sare Ee Xisbiga iyo Masuuliyiin kale,  mudadii uu socday shirku waxa lagu an sixiyey waqtiga uu qabsoomi doono shirweyn Xisbiga Kulmiye iyo UruradiI ku dhacay Doorashooyinkii  Golaha Deegaanka Ee Dalka ka qabsoomay Sanadkii hore Ee la midoobay Xisbiga kulmiye.

Furitaankii shirkaa waxa Halkaasi laga xaadiriyey tirada Xubnaha ee uu Golaha Dhexe ka kooban Yahay, waxaana ka soo xaadiray 148 Xubnood, iyadoo kooramka loo baahnaa ahaa  122 Xubnood. Gudoomiya Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac-shabeel oo Furitaankii shirkaasi hadalo kooban ka soo jeediyay ayaa ka war bixiyey qodobada shirkaasi “ Waxaynu halkan ku furanay shirweyne heenii caadiga ahaa ee sanad laha ahaa ee golaha dhexe ajan daha shirku waa laba Qodob oo kaliya, Qodobka 1aad waxa weeyaan Ururadii Doorashadii  Golayaasha Deegaanka  ka qayb galay ee ku soo biiray Xisbiga kulmiye iyo garab Ururadaasi ka tirsan oo ku soo biiray Xisbiga Kulmiye.

MUUSE BIIXI Gudoomiyuhu sidoo kale waxa uu ka hadlay Caqabada ka hor yimid balan qaadkii ay u sameeyeen Ururadii ku soo biiray, “waxaan ka Cudur daaranayaa Arrin aynu isku Oggayn. lakiin Xeerku ka daba yimid, xeerka inaynu ku dhaqanaana waa waajib ina wada saaran , tiradii xubnaha Gudiga fulinta ahaa ee ay isla ogolaaadeen iyaga iyo Hogaanka xisbigu,Qorshaha yagu wuxuu ahaa in shirkan lagu ansixiyo laakiin waxaa ka daba yimid xeerka 14aad  oo halkii ay gola dhexe ka an sixin lahaayeen u raray shir waynaha oo awoodii ka qaaday Golaha dhexe”.

Intii uu shirkaasi socday  waxa Cod Gacan taaga lagu an sixiyey Ururadii la midoobay Xisbiga Kulmiye waxaana Ogolaaday 140 xubnood oo ka mida 148-kii Xubnood ee ka soo xaadiray shirkaasi, halka ay diideen 7 xubnood iyo gudoomiyaha Gudoomiya oo aan Codayn. Gudoomiya Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac-shabeel waxa kale oo faah-faahin ka bixiyey Qodobka labaad ee Shirkaasi, “Qodobka labaad-na waxa weeyi shirweyneheenii oo bishan ku beegnaa dibu dhigistiisii oo isagana waqtigii la isla gartay  oo ah 25-ka bisha 12aad  oo madaxweynaha Gudoomiyaha Xisbiga iyo anaguba aanu isla meel dhignay inuu shirku waqtigaa inoogu qabsoomo oo aanu dibu  dhac dambe yeelanin”. Intaa kadib-na waxa Cod aqlabiyada lagu ansixiye qabsoomida shirweynaha Xisbibu inuu qabsoomo 25-ka bisha 12aad.
Gudoomiya Xisbiga kulmiye oo munaasibadii shirka Goladhexe Khudba dhinacyo badan la ka soo jeediyey ayaa amaan aad u balaadhan u soo jeediyey Xisbiga Kulmiye, isagoo sheegay inay hogaanka Kulmiye la socdeen Ilduufkii Siyaasadeed ee lixdankii sanadood ee lasoo dhaafay gashay tusaala-na u soo qaatay, Baarlamaankii iyo Dawladii dhexe ee  Somaliya todobaatanaadkii iyo saamiga ay Somaliland kaga jirtay iyo kacdoonkii ka dhashay,

sidoo     kale-na waxa uu  tilmaamay inay Xisbiga Kulmiye meel dheer kaga taalo Qaranimada Somaaliland, “ Kulmiye wuxuu ku dhaaranayaa Qaranimada somalilan oo fikir iyo himilo dheer  oo ay ka mid tahay inuu nabad ka islaaxiyo Geeska Afrika iyo inuu iskaashi nabad galyo,  siyaasadeed iyo dhaqaale layeesho Dalalka Dariska la ah”. Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shirkaasi khudbada dhinacyo badanle ka soo Jeediyey ayaa mahad naq balaadhan u soo jeediyey hogaanaka sare ee Xisbiga Kulmiye, “waxaan halkan bogaadin uga soo jeedinayaa hogaanka Xisbiga iyo Gudoomiyaha Golaha dhexe ee inoo suurto galiyey Qabsoomiyda shirka sanadlaha ah, taas oo inoo suurto galinaysa inuu xisbiga kulmiye yahay Xisbi gaamuray oo ay saldhig u tahay Raacista sharciga iyo horumarinta Geedi socodka dimu quraadiyada, Xisbi dimu quradiya ayey caadadiisu tahay inuu yeesho  afkaar iyo aaraa kala duwan, ma jirto wax mushkilada oo ka taagan Xisbigan, waxaanan ku faraxsana ahay inuu inoo qabsoomay shirkii 4aad ee Golaha dhexe intii uu xisbigu jiray”. Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

 

Dhinaca kale waxa meesha ka baxay qorshe u qarsoonaa kooxda wadadaada awooda badan ee doonayay inay shirka soo dhigaan qodob aan heshiis lagu ahayn oo u qarsoonaa, taas oo wax weyni iska bedeleen mrkii Madaxweyne Siilaanyo yimi, waxaana jawiga madasha shirka laga arkayay amaanka oo aad loo adkeeyay, iyadoo Ciidamo dheeraad ah la geeyay Huteelka, taas oo ka cadhaysiisay maamulka Huteelka. kadib markii askarta dheeraadka ah ee la geeyay halkaa hakiyeen dadkii Huteelka degaanaa ama ku lahaa balamaha.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *