Hargeysa(Araweelo News Network) Xisbul Xaakimka Xukuumadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa ku tilmaamay tallaabada Axsaabta Mucaaradka ee WADDANI iyo UCID, ku qaadaceen Diiwaangelinta Medeniga ah

 

mid ay ku deg degeen, isla markaana ah go’aan ay keligood qaateen. Sidaana waxa sheegay Guddomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga KULMIYE, Maxamed Kaahin Axmed oo maanta Warbaahinta kula hadlay xafiiska xarunta KULMIYE ee Hargeysa.

“kama aanu bixin Wadahadalkii Axsaabta Mucaaradka iyo wixii ay ku heshiiyeen Axsaabta Qaranka, Komishanka iyo Qadhaan bixiyayaasha Waxay noo joogtay Axsaabta mucaaradka anagoo ka doodayna arragtiyaha laga qabo xeerka diiwaangelinta codbixiyaha iyo diiwaangelinta medeniga ah, Axsaabtu xeer ma sameeyaan, xeerkiina waa qabyo oo wuxuu yaalaa golaha.” Ayuu yidhi Muj. Maxamed Kaahin.

Hase yeeshee wuxuu carabka ku dhuftay in iyadoo hawshu meel fiican u maraysa, ay ku war heleen go’aanka ay ku qaadaceen Labada Xisbi hawsha diiwaangelinta medeniga ah, isla markaana ay xisbi ahaan Kulmiye ku canbaareeyeen in ay kaga bexeen wadahadalkii, balse waxa uu sheegay in aanay waxba ka jirin eedeeyntaa oo ay diyaar u yihiin wixii wadahadal ah ee la xidhiidha arrimaha danta qaranka iyo doorashooyinka.

Guddoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Kulmiye Maxamed Kaahin, waxa uu sheegay in go’aanka Axsaabta mucaaradku yahay mid ay keli ku yihiin, isagoo yidhi, “Mucaaradku waxay soo saareen go’aan ay ku qaadaceen diiwaangelinta Medeniga ah, waana go’aan ay keligood gaadheen”

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *