Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab debecsan ka bixisay hadal kasoo yeedhay Wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Augustina Mahinga, kaas oo uu kaga hadlay dhacdadii Talaadadii lasoo dhaafay ka dhacday xero ciidanka qaranka Somaliland leeyihiin oo

 

ku taala koonfur Bari magaalada Hargeysaa, isla markaana kooxdii soo weerartay Maxakamadda ciidanku ku riday xukuno kala duwan, iyadoo 17 ka mid ahaa kooxda lagu xukumay dil.
Augustina Mahinga oo arrintaa ka hadlay shalay, waxa uu si badheedha isaga inadha tiray qaranimada Somaliland iyo sidoo kale qawaaniinta iyo shuruucda u taala, isagoo si aan gabsho lahayn hadalkiisu meel ka dhac iyo gef ugu ahaa jiritaanka qaranimada Somaliland.
Hase yeeshee Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr maxamed C/llahi Cumar, ayaa mar wax laga weydiiyay dhawaaqa Mahinga, wuxuu isagoo ku sugan Washington oo  la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC-da sheegay in dadkii Dilka lagu xukumay dambi culus ka galeen qaranka Somaliland,  wuxuuna isagoo ka jawaabaya hadalka  Mahinga yidhi,  “Fal dambiyeedka ay galeen dadkii la xukumay wuxuu ka dhacay goob ciidanka Milaterigu leeyihiin oo weerar abaabulan lagu soo qaaday, kaas oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo amaanka dalka waxaanay  noqonaysaa dambi culus oo ciidanka qalabka sida laga galay, sidaasaana Maxkamadda Milateriga loogu xukumay, waayo arrintu maaha qof shacab ah oo suuqa laga qabtay  ee waa weeerar Milateriga lagu soo qaaday”.
Wasiirka Arrimaha debeda Somaliland Waxa uu sidoo kale sheegay in dhinac kale laga khafiifin karo xukunka, isagoo yidhi, “Markaa iyadoo dambigu sidaa u culus yahay, balse qaab kale oo sharci oo dhinacyo kale ah ayaa arintan lagu samaynayaa oo Hay’addaha sharciga ayaa arrintaasi u madaxbanaan haddii ay yihiin kuwa Ciidamada iyo kuwa kaleba sidii ay arinta Cadaalada u waafajin lahaayeen” ayuu yidhi.
Mar la waydiiyay in dhacdadaasi inay sumcad xumo ku keeni karto qadiyada Somaliland iyo nimaadka dalka ka jira waxa uu yidhi,  “wax caqabada kuma keenayso ayaan qabaa, beesha caalamkuna way garan kartaa in meesha la soo weeraray xero milateri ahayd si abaabulana loo soo weeraray, dad badan oo nala soo xidhiidhayna waanu ka qancinay sida ay wax u dhaceen iyo in dambigani yahay mid aad u culus oo qaranka laga galay, markaa wax caqabada kuma noqonayo Ictiraaf raadinta Somaliland”ayuu yidhi Maxamed C/llaahi Cumar Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland oo taxadir badani ka muuqdo hadalkiisa, isla markaana wasiirku faragelinta qaawan iyo gefka uu ku gefay Augustina Mahinga kama uu hadlin ee wuxuu u jawaabay si guud, isagoo ay jawaabtiisa ka muuqato kalsooni daro.
Dhinaca kale Markii uu soo  baxay warka Xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha Siyaasada Somalia iyo Somaliland u qaabilsan ee uu madaxda ka yahay Augustina Mahinga, waxa loo arkay inuu si badheedha ugu gefay jiritaanka iyo qaranimada Somaliland, isagoo u muuqday inuu ka hadlayo Soomaaliyada uu maamulo, isla markaana ilawsan inay arrinatu tahay mid ka dhacday Somaliland oo ah qaran dhisan oo leh shuruuc iyo nidaam lagu kala hago, balse waxa la filayay inuu arrintaa jawaab ka bixiyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Laakiin may dhicin taasi, wasiirka arrimaha debeda Somaliland Maxamed C/llaahi Cumar oo la weydiiyay sida ay u arkaan Mahinga hadalkiisa, wuxuu si taxadir ah uga bixiyay keliya jawaab sharaxaad kooban oo uu dhacdadaa xukunka ku sharaxayo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *