Muqdisho(ANN)Dawladda Sheekh Shariif, ayaa  sheegtay inay dil toogasho ah ku fulinayaan ciddii isku dayda ama fulisa inay gubaan calanka Kooxda Al-shabaab ee xubinta ka ah Urur weynaha Al-Qaida  ee dagaalada ka wada dacalada aduunka. Saraakiil ka tirsan Maamulka Dawlada
taagta daran ee Somalia, ayaa laga soo xigtay in loogu hanjabay cidda gubta calanka kooxda Al-shabaab ee ka babanaya meelaha degmooyinka laga xoreeyo, ama ay iskood uga baxaan .
Saraakiisha Dawladda Sheekh Shariif ee ka taliya gobolada iyo degmooyinka laga xorreeyey Al-shabaab iyo meelaka ay iskood uga baxeen ayaa lagu wargeliyey inay adkeeyaan sharcigii ka dhaqan galay magaalada Muqdisho, gaar ahaan goobihii laga qabsaday Al-shabaab, kaas oo ahaa in la toogan doono askarigii ka tirsan ciidammada dawladda ee guba calanka Al-shabaab.
“Dabcan calanka Al-shabaab waa la gubi lahaa, balse magacii Ilaahay ayey calankooda madoow dhexda kaga qoreen, waana qalad in ciilka Al-shabaab loo qabo dambiyo loo galo dambiyo lagu mutaysan karo gubista calanka magaca Ilaahay ku xardhan yahay.” Sidaa waxa yidhi; sarkaal u hadlay dawladda Sheekh Shariif oo magaciisa u qariyey sababo la xidhiidha isaga oo aan awood u lahayn inuu saxaafadda la hadlo.
Waxa saraakiisha dawladdu sheegeen inay fursad qaali ah u noqon doonto kooxda Al- shabaab haddii la gubo calankooda, maadaama ay ku qadhaabtaan diinta islaamka, dadkana u tusi doonaan in dawladdu la dagaalamayso Diinta.
Markii dhawaan ciidammada Ethiopia iyo kuwa dawladda Sheekh Shariif la wareegeen magaalooyinka Baydhabo iyo Balad-weyne ee dalka Soomaaliya, calanka Al-shabaab, ayaa dhammaan laga dajiyay goobihii uu sudhnaa, kaas oo la dhigay goobo lagu asturayo, maadaama calankaas uu ku xardhan yahay magaca Illaahay.
Warshada Baastada ee magaalada Muqdisho oo ka mid ahayd goobihii bilo ka hor Al-shabaab ka  baxeen  ayaa shacab cadhaysani isku dayeen inay gubaan calamaanta Al-shabaab, balse waxa arrintaa baajiyey oo horjoogsaday ciidammada dawlada oo goobtaas dagaal xoogan kula wareegay, iyadoo  ay jiraan dhacdooyin dhawr ah oo goobo kala duwan hore  loogu gubay calanka Al-shabaab. Talaabada dawladda Sheekh Shariif ee Calanka Kooxda Al-shabaab ayaa dhaliyay inay su’aalo iyo dareemo tuhun ahi ka dhashaan, taas oo sii xoojisay fekerkii inta baddan bulshada magaalada Muqdisho hore uga qabeen Sheekh Shariif ee ahaa inuu xidhiidh la leeyahay kooxda Al-shaab, maadaama uu hore uga tirsnaa, isla markaana ahaa hogaamiyihii Maxkamaddaha Islaamiga ee ay Al-shabaab ka xuub siibatay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *