Washington(ANN)  Hay’addaha  Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch iyo  Amnesty International oo fadhiyadoodu yihiin Washington iyo London, ayaa baaqyo kala duwan kasoo saaray xaaladda weriyayaasha ka hawlgala Somalia eel ala beegsado hawlgalada iyo shirqoolada

 

sanadii u danbeeyay.
Hay’adda Human Rights Watch, ayaa baaq ay soo saartay kaga  dalbatay inay dawladda taagta daran ee Somalia, baadhitaan rasmi ah ku samayso sabata dilalka weriyaaysha Somaalida ah. Kadib markii  February 28, 2012, magaalada Muqdisho lagu dilay Allah haw naxariistee Marxuum Abukar Hassan Mohamoud oo ay toogasho ku dileen dablay aan la aqoonsan.
Weriyahaa oo ahaa Agaasimhii Idaacadda Radio Soomaaliweyn, waxayna Human Rights Watch ka dalbatay dawladda Somalia in la helo baadhitaan cad oo ku waajahan sababta loo bartilmaamedsanyo weriyaaysha, iyadoo sidoo kalena ku xustaybaaqeeda  in  sidoo kale magaalada Muqdisho lagu dilay January 28, laba suxufi oo mid ahaa Hassan Osman Abdi, kaas oo ahaa Agaasimaha  Shabelle Media Network.
Waxa kaloo baaqaa Human Rights Watch lagu sheegay in magaalada Muqfdisho lagu dilay December 18,  2011, Abdisalam Sheik Hassan oo ahaa suxufi madaxbanaan oo ka hawlgelayay Horn Cable TV Station. Sidoo kalena Mukhtar Mohamed Hirabe lagu dilay Muqdisho  2009, iyo  Bashir Nur Gedi in oo isna la dilay 2007.
Human Rights Watch waxay sheegtay inay dhinacyada isku haya Somalia aanay ogolayn, isla markaana xaqdhawrayn xoriyada saxaafada iyo madaxbanaanida, iyadoo ay weriyayaasha ilaa 2007 lagu dilay Somalia marayaan 25 Journalist. Sida ay Hay’addu sheegtay, waxayna xustay in shirkii dhowaan 23 Feb 2012 ka dhacay London ee arrimaha Somalia aan lagu soo hadal qaadin xuquuqda iyo xoriyada saxaafada, isla markaana aanay go’aamada kasoo baxay shirkaa ahayn kuwo wax ka bedelaya xaalada qalafsan ee Somalia. maadaama aan meela lagaga xusin la xisaabtanka dhinacyada Somalia ee xuquuqda aadamaha iyo xoriyada saxaafada.

Dhinaca kale hay’adda  Hay’adda  Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha Amnesty International  ayaa canbaaraysay dilalka weriyayaasha Soomaalida ee ka hawlgala Hay’addaha  warbaahineed ee Soomaalida, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ee xarunta dalkaas oo Suxufiyiin badan oo aan waxba galabsan lagu khaarajiyey bilihii u dambeeyey.
Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International oo fadhigeedu yahay magaalada London ee waddanka Ingiriiska, ayaa warbixin ay soo saartay ku cambaaraysay dilalka joogtada ah ee lagu hayo Weriyeyaasha Soomaalida ee dalka gudihiisa ka hawlgala. Warbixintan oo uu soo saaray xafiiska Afrika u qaabbilsan hay’addaas shalay, ayaa lagu sheegay in laba bilood oo keliya lagu dilay Muqdisho saddex suxufi, taasina ay tahay khatar lagu hayo Weriyeyaasha ka howlgala xarunta dalka Soomaaliya ee Muqdisho, isla markaana ay arrinta gumaadka Suxufiyiintu helis kale ku yahay dadka  u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Aadamaha ee ku sugan Soomaaliya. Abuubakar  Xasan Maxamuud (Kadaf) wuxuu ahaa Weriyihii saddexaad ee lagu dilo Muqdisho muddo laba bilood gudahood ah,  iyadoo ciidammada dowladdu ay hadda ka taliyaan Muqdisho oo dhan. ayaa lagu yidhi  warbixinta.
Sidoo kalena Ammaanka Muqdisho oo ay DKMG ah ka taliso ma noqon karo mid la isku halleeyo haddii aan lasoo qaban oo aan lala xisaabtamin kuwa masuulka ah ka ah weerarrada ka dhan ah suxufiyiinta iyo dhaqdhaqaaqayaasha xuquuqda  Aadaamaha  yaa lagu yidhi  warbixinta Amnesty International, taas oo lagu xusay in beesha caalamka looga baahanyahay sidii dhibaatada suxufiyiinta Somalia iyo mushkilada khatarta ah looga hortegi lahaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *