London(ANN)Waxaa bishan 27keedii ka dhacay qolka The Grand Community Room ee Aqalka Baarlamanka wadanka Ingriiska kulan loogu magac daray Somali Business as Usual ( Habsocodka Ganacsiga Somalida) Kulankan oo ay soo

qaban qaabisay Hay’ada; The Royal African Society, oo ka mid ah Hay’adaha ugu muhiimsan ee dalka ingiriiska u qaabilsan arimaha Africa.
Kulankan oo loo soo agaasimay si heer sare ah, waxaa shirgudoominayay Mr.Richard Dowden, oo ah madaxa Hay’ada Royal African Society.
Shirkan oo ay kasoo qayb galeen dad aad u tiro badan oo kakala yimid dhamaan magaalooyinka dalka United Kingdom. Waxaa kamid ahaa dadkii sida gaarka ah loogu doortay inay ka kahadlaan shirkaas; Mr. Alun Micheal, MP Cardiff, Mr. Mohamed Yusef Ali Guray, Madaxa shirkadda Invicta Capital, Mr. Cabdirashiid Mohamed Siciid Ducaale, Madaxa  Shirkada Dahabshiil iyo Ms. Perez Ochieng, Madaxa Commercialization, Sahara Communities Abroad. 

Mr Dowden oo ugu horayn ka hadlay furitaankii shirka ayaa soo dhoweeyey islamarkaasna u mahad celiyey dhamaan kazoo qayb galayaashii shirka, isagoo kawaramay kobaca dhaqaale ee guud ahaan dalkii laysku odhan jiray Somaaliya, isagoo gaar ahaan carabka ku adkeeyey nabadgelyada balaadhan iyo xasiloonida ka jirta Jamhuuriyada Soomaaliland.  Wuxuuna ugu horayn hadlaka ku soo dhaweeyay Mr. Alun Micheal.
Mr. Alun Micheal waxa uu u mahad naqay dadkii ka soo qaybgalay kulankaas waxaanu aad uga waramay ahmiyda uu Shirkii London ka dhacay u lahaa Somaliland.
Waxa uu sheegay in markii ugu horaysay ee la soo hadal qaaday qabanqaabada shirka London, in uu aad uga walaacsanaa, qaabka ay Somaliland uga soo qaybqali doonto shirka.  Laakiin wada xaajood badan oo uu la yeeshay Mudane William Huage, wasiirka arimaha debeda ee dalka Ingiriiska, ay isla qaateen in arrinka Somaliland loo daayo inay dhamays tirtaan oo ay ka wada tashadaan mustaqbalkooda.
Inuu suurto galo  ixtiraamka gaarka ah ee Soomaaliland lasiiyay  inay kaga soo qayb gasho shirka, wado adag ayaa loomaray. Laakiin waxan maanta aad ugu farxaxanahay in Soomaaliya iyo Soomaaliland ay kawada xaajoon doonaan aayo ka talinta mustaqbalkooda.
Dhinaca kale waxa uu soo qaaday mawduuc ah sidii Somaliland looga taageeri lahaa dhinaca wax qabadka wuxuuna sheegay inay ku guuleysteen inay dhisaan Golaha loogu magac daray; Taagerada iyo Saaxiibnimada Somaliland, kaa soo wax wayn ka tari doona kor uqaadista wax qabadka iyo tayaynta kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland.
Mr. Alun Micheal waxa kale oo u mahad ceilyay dhamaan dadkii u soo banaan baxay taageerada qadiyada madaxbanaanida Soomaaliland iyo  taageeradii ay u muujiyeen waftigii uu hogaaminayey Madxwaynahooda ee u metalayey shirka London.
Intaas kadib waxaa hadalkii  la wareegay Mr. Mohamed Yusef Cali Guray oo ku bilaabay anigu waxaan ka hadlayaa Soomaaliland, maadaama aan ahay ganacsade ka soo jeeda asal ahaan dalka Soomaaliland.  Wuxuuna ka hadlay horumaka ay ku talaabsatay Soomaaliland, 21kii sanadood ee ay madaxbanaanindeeda lasoo noqotay. Waxa uu xusay in Somaliland lagu xanto inay tahay Jahoradii qarsoonayd ee Africa. Waxaanu shacabka reer Somaliland ku amaanay hawlkarinmadooda, wada socodkooda iyo wax wada qabsigooda.
Waxaana uu intaa ku daray in shirkadooda, Prime Resource, ay Soomaaliland ka fulindoonaan mashaariic maalgashi oo gaadhaysa malaayiin doolar (Millions of Dollars), dhinacyo kala duwana ah, isagoo carabkana ku dhuftay dhinaca shidaalka.
Waxa isna halkaas ka hadlay Mudane Cabdirashiid Mohamed Siciid Du’aale oo ka hadlay sidii loo soo dhisay Shirkada Dahabshiil iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay shirkadoodu.
Mudance Cabdirashiid waxa uu sheegay inaanu isagu ahayn siyaasi laakiin ay aad uga qayqaataan arrimaha bulshada oo ay Shirkada Dahabshiil suurto gal ka dhigtay in ay gaadhsiiso taageero dad badan oo ay adkayd in wax lagaadhsiiyo, taasoo ay u mareen jid dheer.
Waxa uu sheegay in shirkada Dahabshiil ka hawlgahso 150 wadan oo dunida daafeheeda ah, kuwaasoo ay u kala xawilaan in kabadan 2 bilyan oo doolarka marykanka ah.
Waxa hadalkii soo gababaysay Marwo Perez Ochieng, oo ah madaxa Commercialization, Sahara Communities Abroad. Waxay marwadu ka xogwarantay hawlkarnimada umada Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo sida ay Qurbajoogtu wax wayn uga muujiyeen wadamadii ay ka yimaadeen, iyadoo ku boorisay guud ahaan Afrikaanka inay beertaan ciidooda dahabiga si ay uga maarmaan bariiska iyo raashinka dhacay, ee aan tayada lahayn loogana soo dhoofinayo dunida dacaladeeda.
Gaba gabadii waxaa marlabaad kasoo qayb galayaashii, iyo dadkii meesha ka hadlayba aad ugu mahad celiyey mudane Richard Dowden, islamar ahaantaana shirkii sidaas ku soo xidhay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *