images/stories/ramadaan kariim.jpg Maka(ANN) Dawlada Sucuudiga ayaa caawa caweyskii ku dhawaaqday inay habeenimada caawa ee Khamiista laga soomayo Bisha barakaysan ee Ramadaan. Sidaana waxa sheegay qaar ka mid ah warbaahinta dalka Sucuudiga. Sidoo kale wadamada Malaysia, Indonesia, Liibiya iyo Jordan ayaa iyaguna ka hor intii aanay
dawlada Sucuudigu shaacin curashada bisha barakaysan ee soonka ramadaan ku dhawaaqay in wadamadooda laga arkay bilashada bisha Ramadaan, taas oo ay caawa ku dhawaaqeen inay maalinta beri ah ee khamiista ka bilaabmay bisha Soon ee Ramadaan.
Haseyeeshee goor danbe oo caweyskii ah ayay xukuumada Somaliland war ay soo saarta oo kasoo baxay wasaarada Diinta iyo waqaafta ku sheegtay inay bisha barakaysan ee Ramadaan ka bilaabmay maalinta Khamiista oo ay Soon tahay. curashada bisha barakaysan ee ramadaan ayaa maalmihii u danbeeayay lagu jiray sidii loogu diyaar garoobi lahaa. Balse waxay kusoo beegantay xili ay maceeshada si weyn ugu kiciyeen bulshada Somaliland ganacsatada iibiya Raashinka daruuriga ah.
Si kastaba ha ahaatee waxa suurta gal ah inay wadamo badan oo Caalamka islaamka ahi iyaguna Caawa ku dhawaaqaan soonka bisha Ramadaan, iyadoo ay adagtahay inay khilaafaan dalka Sucuudiga oo wadamada islaamku ka danbeeyaan.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Hargeysa Office
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com