Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dhagax dhigay mashruuc balaadhan oo loo qorsheeyay in laga hirgelinayo Bariga magaalada Hargaysa, kaas oo lagu daryeelayo Caruurta Aggoomaha Somaliland. Mashruucaa oo ay maalgelinay
dawlada Kuwait, ayaa lagu qiyaasay lacagta uu ku kacayo 3 Milyan oo lacagta dollarka Maraykanka ah, waxa xadhiga dhagax dhigay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa munaasibada loo qabtay Xafladii dhagax-dhiga ka qayb galay Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde (Aamina Waris), Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur), Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Maayarka Caasimada Eng. Jiciir iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda, wakiilo ka socday Hay’adda maalgelinay mashruuca ee dalka Kuwait iyo marti sharaf kale.
Dhismaha mashruuca xarunta cusub ee Agoomaha, waxa loo qorsheeyay in lagu xanaaneeyo ilaa 1000 caruurta Agoomaha Somaliland, waxaana lagu qiyaasay lacagta ku baxaysa sadex Milyan oo Doolar, taas oo ay bixinayso Hay’adda gargaarka iyo tabarucaadka ee dalka Kuweyt, iyadoo dhismaha xaruntu yeelanayo qaybo isugu jira Hurdo, waxbarasho, Cisbitaal iyo dhamaan adeegyadii loo baahnaa ee oo dhamaystiran.
qaybahiisii wada leh.duwan, , Duqa Caasimadda iyo mas’uuliyiin kale. Waxa kale oo xafladaasi goob joog ka ahaa wefti ka socday dalka Kuweyt.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadaa ayaa uga mahad-naqay dawlada Kuweyt kaalmada mashruucaa ay ku taageerayso Somaliland gaar ahaan caruurta Aggoomaha iyo ahmiyada ay u leedahay bulshada, wuxuuna usoo jeediyay dadka inay ilaaliyaan xaruntaa oo mustaqbalka ubadka Somaliland wax weyn ka taraysa, isla markaana marka la dhamaystiro lagu wareejinayo xukuumadda Somaliland. sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo wuxuu sheegay in mashruucani fursado shaqo u abuuri doono da’yarta reer Somaliland ee wax baratay, kuwo kalena lagu bar-baarin doono.
Sidoo kale Wasiirrada wasaaradaha waxbarashada iyo tacliinta sare iyo Maaliyadda oo ka hadlay xafladaa, ayaa uga mahad-celiyey dawlada Kuwayt ee mashruuan fulinaysa, iyagoo bulshada Somaliland usoo jeediyey inay doorkooda ka qaataan sidii mashruucaasi u noqon lahaa mid guulaysta isla markaana ay ka faa’iidaystaan caruurta Aggoomaha ah ee Somaliland.
Dhinaca kale Dr. Khalid Al Mashaa’i oo ka mid ahaa weftigii dawlada Kuweyt ee ka qayb galay munaasabadda dhagax-dhiga mashruucaa ayaa sheegay in mashruucani qayb ka yahay mashaariic kala duwan oo ay dawladda kuweyt maalgelinayso, kuwaas oo lagu taageerayo bulshada Somaliland.
Maaha Mashruucii ugu horeeyay ee Dawlada Kuwait ugu deeqdo Somaliland, balse mashruuc ku kacaya 10Mly oo dolar ayay hore ugu deeqday Somaliland, kuwaas oo dib u dhis iyo casriyayn madaarada Hargeysa iyo Berbera ee diyaaradaha loo qorsheeyay, isla markaana dhowaan laga bilaabay madaarka Hargeysa fulinta mashruucaa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com