Marxuum Siciid GuraaseHargeysa(Araweelo News Network) Weriye Siciid Ismaaciil Xuseen oo ku magac dheeraa (Siciid Guraase), ayaa galabta lagu aasay Xabaalaha dhinaca Woqooyi ee magaalada Hargeysa. Kadib markii uu ku geeriyooday

 

duleedka Addis Ababa xalay.

Alla ha u naxariistee Marxuum Siciid Ismaaciil Guraase ayaa todobaadkii hore la dhigay Cusbitaalka Magaalada Hargeysa kadib markii dhiig madaxa kaga furmay, balse dhakhaatiirta ayaa sheegay in aan waxba lagaga qaban Karin Csubitaalka, taas oo sababtay in dhinaca dalka Ethiopia loola cararo, waxase marxuumku ku geeriyooday duleedka Addis Ababa ee Magaalada Hawaas.

aaska Marxuum Guraase1
Maydka Marxuum Siciid Guraase ayaa dib loogu soo celiyay Hargeysa, waxaana galabta lagu aasay Xabaalaha dhinaca Woqooyi ee Hargeysa, iyadoo aaska Marxuumka ay ka qaybgaleen suxufiyiin ka socday warbaahinta kala duwan, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, xildhibaano, Culimaa’udiin iyo dadweyne kale.

Marxuum Siciid Ismaaciil Xuseen (Siciid Guraase), wuxuu ka mid ahaa suxufiyiinta halbawlayaasha u ahaa mihnada saxaafada Somaliland ee habayay horumarka iyo heerka saxaafada Somaliland maanta soo gaadhay, isagoo ka mid ahaa tirada yare e kasii noool suxufiyiintii mayalka u hayay saxaafada Somaliland ee mudada dheer lasoo maray marxaladaha kala duwan.

Marxuum Siciid Guraase, wuuxuu ka mid ahaa kuwa afgaaban suxufiyiinta, isla markaana ugu qalmaan dhaadheer, isagoo lahaa hibbo  hal-abuur iyo karti uu ku muujiyo qalinkiisa oo kaga midha dhalinayo ujeedooyinka qoraaladiisa.

Alla ha u naxariistee Marxuum Siciid Guraase, wuxuu kasoo shaqeeyay Wargeyska ugu da’ada weyn ee Jamhuuriya, isagoo xiligii shirka Carta ee sanadkii  2000, oo uu ka mid ahaa Xoghaymihii shirkaa, isla markaana ahaa weriyaha Wargeyska Jamhuuriya ee Djibouti, balse wuxuu kasoo wareegay dalka Djibouti mar laga joojiyay Wargeyska Jamhuuriya, isagoo usoo wareegay Caasimada Somaliland ee Hargeysa, halkaas oo uu hawshiisii suxufinimo kasii waday.

Wuxuuna muddo ka dib ka mid noqday Wargeyska Haatuf oo markaa bilaw ahaa, isagoo safka hore kaga jiray Wariyayaashii dhidibada u taagay Wargeyskaa oo uu ka noqday Tafaftire xigeen.

Marxuum Siciid Guraase waxa kale oo uu kasoo shaqeeyay Wargeys Maalamaha loogu magacdaray oo kasoo bixi jiray Hargeysa 2005- 2008, wixii markaa ka danbeeyay Marxuum Siciid Guraase  wuxuu la shaqaynayay Wargeysyada Waaheen, Xog-ogaal iyo Himilo oo dhowaan dib loo bilaabay, wuuxuna marka laga yimaado wararka iyo dhacdooyinka siyaasada qoraalo taxanayaal ah oo dhinaca diinta u badan si taxane ah ugu baahin jiray wargeysyadaa.

Alla ha u naxariistee Marxuum Siciid Ismaaciil Guraase oo ahaa Nin dhalinayaro ah, wuxuu ifka kaga tegey Xaas iyo Afar Caruur ah oo ka kooban Laba Wiil iyo Laba Gabdhood.

Tafaftiraha Shebekaddaha Arraweelo.com/ Araweelonews iyo shaashada ArraweeloTV. Carraale Maxamuud Jaamac oo ay Marxuumka muddo dheer kusoo wada jireen mihnada saxaafada, isla markaana soo wada shaqaynayeen,wuxuu isagoo ka tiiraanyaysan geerida Marxuum Siciid Guraase tacsi u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii, Bahda Saxaafada Somaliland iyo Bulshada aqoonta u lahayd Marxuumka, wuxuuna Ilaaahay uga baryayaa inuu Samir iyo Iimaan sareecan ah ka siiyo, Marxuumkana Illaahay Naraxiistii Janno ka waraabiyo, wuxuuna si gaar ag Tacsi ugu dirayaa qoyska Reer Ismaaciil Guraase.
Inaa Lilaah wa Inaa Ilayhu Raajuciin.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *