Xarakadda Al-Shabab.
Sida lagu daabacay wargeyska The Standard ee Nairobi ka soo baxa, warkaa oo laga soo xigtay taliska ciidamada Kenya ayaa lagu sheegay in duqeynta oo bartilmaameedkeedu ahaa dhisme ay ku shirayeen xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabab lagu dilay in ka badan 30 ruux oo Al-Shabab ka tirsanaa sida Kenya sheegtay.
Warkaan waxaa lagu sheegay in dadka goobta ku waxyeeloobay ay ku jiraan xubno sar sare oo Al-Shabab ka tirsan, balse lama sheegin magacyadooda kuwa ay yihiin saraakiisha Al-shabaab ee lagu dilay duqayntaa. Sidoo kale warku wuxuu intaa ku daray inay jiraan saraakiil Shabab ah oo dhaawac ahaan goobta kaga baxsaday.
Dawlada Kenya waxay sidoo kale sheegtay in duqeyntaa oo maqribnimadii shalay dhacday ay ku gubtay illaa gaadhi oo ay ku sheegeen inuu ka mid ahaa gaadiidka dagaalka ee Al-shabaab.
Dawlada Kenya dhawr jeer oo hore ayay sheegatay inay gudaha Soomaaliya ku dishay xubno sar sare oo Al-Shabab ka tirsan, balse wararkaa ayaa noqda kuwo aan xaqiiqdoodu sii xoogaysan, isla markaana waraka dawlada Kenya ee ay ku sheegtay weerarka hadda iyo in ay ku dishay saraakiil Al-shabaab ka tirsan ma jirto cid si madax-banaan u cadaynay.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com