Nairaobi(Araweelo News Network)Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibada ee Kenya Richard Onyonka ayaa ka dhawaajiyay inay Dawladiisu taageersantahay in Somliland loo Aqoonsado
wadan Madaxbanaan, wuxuuna si cad u sheegay in ay wadamada Midowga Afrika ku dhiirigalinayaan inay si Rasmiya u aqoonsadaan Somaliland.
Tv-ga Caalamiga ah ee PressTv ayaa sii daayay warka la xidhiidha arrintaa, kaas ku jiray warbixin Wariyaha Uga soo warama Press Tv magaalada Naibi usoo gudbiyay.
Wasiir ku xigeenka Arrimaha debeda Kenya Mr. Onyonka waxa sidaa ka sheegay mar uu ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen Jaaliyada Reer Somaliland ee ku dhaqan Nairobi.
Dhinaca kale Maxamed Saalax oo ka mid ah Jaaliyada Somaliland ee Nairobi ayaa Kulankaa ka sheegay inay Somaliland u qalanto in la citiraafo marka loo eego halka ay marayso Heerka iyo sida ay u buuxisay shuruudihii looga baahnaa qaran doonaya madaxbanaanidiisa, isla markaana ay Somaliland deganaansho iyo nabadgelyo buuxda haysato, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,“waxaanu haysanaa Nabad galyo iyo xasilooni Buuxda marka loo eego xaaladda Gobolk Geeska Afrika oo kacsan, taasi waxay Bulshada Caalamka ku Cadaadis ku saaraynaa Inay Aqoonsadaan Qaranimada Somaliland,” ayuu yidhi Maxamed Saalax.