London (ANN)Mujaahid Axmed Mirre Maxamed oo ka mid  ah halyeeyadii ururkii SNM ee taliskii Milateri ee Maxamed Siyaad ka xoreeyay Somaliland, isla markaana hogaaminayay ciidankii magaalada Burco soo galay 27 May 1988 ayaa sheegay inay dareen gaara iyo xusuus ku reebtay kumanaan qof oo

 

ah Somalilanderiska ku dhaqan Britain oo xuska 18 May isugu soo baxay barxada guriga baarlamaanka ee Boqortooyada Britain.
Wuxuuna sheegay inay  shacbiga Somaliland qaranimadooda ilaashanayaan haddii la aqoonsado iyo haddii kaleba, isagoo yidhi,  “Somaliland qaranimadeeda way ilaashanaysaa haddii la ictiraafo iyo haddii kaleba kana daali mayno qaranimadayadda, Horta Anigu ma nihin dad waxa ka dhiman qariya, khudbadii u dambeysay Madaxweynuhu wuu ku sheegay wixii dhinaa. Waxa naga dhiman kaabeyaashii dhaqaalaha, waxa kale oo naga dhiman shaqo abuurkii,”ayuu yidhi Mujaahid Axmed Mirre oo maanta ka hadlayay Laanta Af Soomaaliga ee BBC-da oo uu ka qeyb galay dood lagaga hadlayay waxyaabaha Somaliland u qabsoomay labaatan sano guuradii ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax banaanida Somaliland.
Axmed Mirre oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaanu leenahay walaalahayaga Soomaaliya waxaynu ahayn walaalo oo anagaa (Somaliland) xornimada idiin keenay markii aanu dawladnimada idinka hor qaadanay sanadkii 1960-kii. Markii la burburayna idinkaa dhaxalkii aynu wada lahayn qaatay oo waxba nagamaydaan siinin.
Md. Axmed Mirre waxa uu si weyn u bogaadiyay dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan wadankan Ingiriiska ee 18-kii may isu soo baxa aqoonsi raadiska ah ka hordhigay aqalka baaralamaanka Ingiriiska isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Jaaliyada Somaliland ee wadanka Ingiriiska ku dhaqan isu soo bixii ay soo bandhigeen iyo yuhuuntoodii waxay I tustay in dadka aan u dhimanayay ay yihiin dad dhiig leh oo dadkooda u adeegaya. Dadkii isu soo baxay c iyaar umay soo bixine’e waxay adduun weynaha dareen geliyeen in Somaliland ay muddo labaatan sanadood ah samraysay oo ay xaq u leedahay in la ictiraafo.
Dadkaasi waxay Guriga baarlamaanka Ingiriiska u hor-tageen waxa weeye waa dalkii Somaliland mustacmarada u ahayd waxa laga doonayaa inuu noqdo dalka ugu horeeya ee aqoonsada maadaama oo uu garanayo xuduudaha iyo taariikhda.”
Mujaahid Axmed Mirre oo la weydiiyay waxyaabihii Ururkii SNM ka abuurmay waxa uu yidhi “Ururkii SNM wuxuu ahaa urur ka dhashay cadaalad daradii dalka ka taagnayd, cadaalad darradaasi oo baahday ayaa qof walba meeshiisa ku gaadhay. Markii la bixin waayay Odayaashii, Hooyooyinkii iyo ubadkii ee la xalaashaday wax kasta oo xaaraan ahaa ee wax ma yaqaankii laga dhigay wax yaqaan, waxyaqaankiina laga dhigay wax ma yaqaan, cadaalad darradu markay baahdo waxay burburisaa ummadda oo dhan horta markaa SNM waxay ka dhalatay Cadaalad darro.” Ayuu yidhi Muj Axmed Mire.
Dareenka Muj. Axmed Mire oo waqtiyo hore u muuqan jiray mid u xaglinaya siyaasiyiin iyo saraakiil fara ku tiris ah oo u janjeedhay mabda federaalka ayaa aad uga duwan sidii hore, wuxuuna shucuurtiisa ku cabiray sawirka uu ka qaatay muuqaalka labaatan guurada  munaasibada 18 May, taas oo sidii ugu balaadhnayd looga xusay dalka iyo debedaba intii ay somaliland jirtay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *