Hargeysa(ANN) Kulan Caalami ah oo lagaga hadlayay doorka waxqabadka UN-ka iyo kaalinta horumarka  ee Saxaafadda Somaliland ku leedahay waxqabadka dalka ayaa lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa, kulankaa waxa  kasoo qayb galay Xidhiidhiyaha Qaramadda

 

Madoobay u qaabilsan Arrimaha bani’aadamnimada Somaliland iyo Soomaaliya Mark Bowden, Wasiirradda Arrimaha Debedda, Madaxtooyadda, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan kuwaas oo ka kala socoday hay’addaha kala duwan Qaramadda Midoobay,  Xukuumadda Somaliland iyo Sidoo kale suxufiyiin ka socotay warbaahinta dalka.
Mr. Mark Bowden oo ka hadlay madashaasi ayaa sheegay in ay sii waddi doonaan mucaawimadda iyo gargaarka ay siiyaan Somaliland, waxana uu si qoto dheer uga warbixiyay waxyaabaha ay UN-tu ka qabto Somaliland, isaga oo ku nuuxnuuxsaday in Somaliland tahay dawladd nabadoon, balse waxa uu tilmaamay in ay jiraan baahiyo badan oo loo baahan yahay in wax laga qabto.
Mark Bowden waxa uu tilmaamay in ay goboladda Somaliland intoodda badan ay gaadhsiiyeen gargaar kala duwan, waxana uu intaas ku daray in ay diyaar u yihiin in ay garab istaagaan sidii ay uga shaqayn lahaayeen horumarka.Waxaanu carabka ugu dhuftay in ay horumariyeen dhinacyadda Waxbarashadda, Caafimaadka, Biyaha iyo tababaridda Booliska
Mark Bowden waxa uu sheegay in ay Somaliland siiyeen Mashruuc dhan 140 Milyan oo Dollar, waxaanu yidhi “Waxaanu Somaliland siinay $140 Millyan Dollar waxaana aanu sii wadi doonaa inaanu sii ballaadhino mucaawimada aanu ku bixino Somaliland.”
“Waxaanu si toos ah ula shaqaynaa Golaha Wasiirrada, Maayarradda magaalooyinka iyo NGO-yada waxaanan ugu tallo gallanay in ay qaybtooda ka qaataan xoojinta nabad galyada dalka iyo dadka, ”ayuu yidhi iskuduwaha aadaminimo.
Mark Bowden wuxuu sheegay inay xafiiskoodii u horeeyay ay ka furteen magaaladda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, waxaaanu bilaabay mashaariic badan oo ay ka fuliyeen sanadkii hore goboladda Somaliland ay ugu hirgeleen sidii la rabay.
“Somaliland waxaanu ugu tallo galnay shanta sanno ee soo socda mashaariic badan si aanu ugu qayb qaadano hormarka dalka”ayuu yidhi Mark Bowden.
Mr Bowden waxa uu Somaliland ku majeertay horumar waxaanu tilmaamay inaan la dafiri Karin, waxaanu “Waa muhiim in la fahmo nay Somaliland hormar fiican ka muujisay qorshihii aanu ugu talo gallanay ee ku salaynsaa waxa loo yaqaano ka midho dhalinta hadafka ah Milliiniyam goolka.” Sidoo kalena waxa uu xusay inay hadda wixii ka dambeeya ay adeegsan doonaan warbaahinta si loo muujiyo waxyaabaha ay ka qabanayaan dalka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdiilaahi Cumar oo ka hadlay shirkaasi ayaa sheegay in uu shirkani muhiimad gaar ah u leeyahay dalka isla markaana kulankani uu diiradadda saarayo doorka saaxafaddu ku lee dahay dalka.
Dr. Maxamed Cabdullaahi waxa uu sheegay inay Somaliland si weyn ugu mahad celinayso UN-ka maadaama ay qaybo muhiim ah ka caawiso, waxana uu intaas ku daray inay Somaliland ku tallaabsatay hormar baaxad leh taasi oo ay tusaale u tahay inay hoos u dhacday dhimashadii caruurta ee ku dhiman jirtay Somaliland iyo sidoo kale dumarkii u dhiman jiray Ummul-aroorka.
Wasiirku waxa uu xusay in hormarka Saxaafadda Somaliland uu ahaa mid soo kordhayey loona baahan yahay inay hubiyaan runimadda wararka ay baahinayaan.
“Warbaahintu waa inay wararkooda ku saleeyaan dhexdhexaadnimada iyo runta. waxaan ka codsanayaa Hay’adaha dhaqaalaha bixiya inay caawiyaan Saxaafadda Somaliland.”Ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibaddu.
Wasiirku waxaa uu inta sii raaciyey “UN-ka iyo hay’adaha caalamka waxaanu ka codsanayna inay saxaafadda Somaliland ka caawiyaan ka qaybgalka shirarka caalamiga ah sidii ay Somaliland uga imid noqon lahayd waddamada lagaga daydo xasiloonida iyo kala dambaynta.” Ayuu yidhi Dr. Maxamed C/llaahi

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *