images/stories/qoys ku shufbeelay dab1.png  Hargeysa (ANN)Qoys ka kooban afar qof ayaa dhamaan ku shufbeelay  gurigooda , ka dib markii dab ka kacay gurigii ay deganaayeen oo ku yaalay xaafada sheekh Nuur ee degmada Gacan Libaax oo ku taal dhinaca bari ee  magaalada Hargeysa.Qoyskaa oo ka soo jeeday qowmiyada Oromada ee qaxootiga ku jooga Somaliland ayaa guriga ay deganaayeen oo ahaa cariish dab ka kacay xilli ku beegnaa salaadii subax ee waabaaberigii maanta.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Gacan Libaax Mudane Ismaaciil Muuse oo ka waramay sida wax u dhaceen ayaa wuxu yidhi: guriga waxa ku noolaa afar qof oo aabaha la odhan jiray Cumar Cabdi Maxamed iyo xaaskiisa oo magaceedu ahaa  Fadxiya Maxamed Axmed iyo laba caruur ah oo ay dhaleen oo mid  ahaa gabadh  yar oo qiyaastii jirtay saddex bilood iyo wiil lagu qiyaasay ilaa afar sanno, sida dadka jaarka ahi noo sheegeen dabku wuxu reerka qabsaday intii u dhaxaysay afartii ilaa shantii subaxnimo dhexdoodii. Gurmadkii maamulka degmadu halkaa ku tageena wax nolol ah kumay gaadhiin ayuu yidhi  gudoomiye xigeenka xaafada.
Wuxuuna  intaa ku daray guddoomiye ku xigeenka degmada Gacan Libaax in maydadka qoyskaa ku naf waayey dabkaasi ay aaskooda u xil saareen waaxda arimaha bulshada ee dawlada hoose ee Hageysa, kuwaas oo maantaba la aasay.
Qoyska masiibadu qabsatay  ayay  dadweynihii la jaarka ahaa sheegeen in ay ku dedaaleen intii itaalkooda ah in ay samata bixiyaan qoyska oo deganaa guri ka sameysan baco iyo karaatoon oo cariish ah, hase yeeshee ay u suurta geli wayday baaxada dabka oo ka awood batay awgeed inay badbaadiyaan. Maaha markii u horaysay ee sidan oo kale qoys ku shufbeelo dab iyo iydoo aanay jirin masiibooyinka sidan oo kale dabka wax gurmad ah oo ay dadku helaan marka laga reebo gurmadka xaafadaha ku dhow, maadaama aanu jirin baddamis iyo hayado gaara oo ka shaqeeya ka hortaga iyo gurmadka masiibooyinka noocan ah.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *