Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo), ayaa magcaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland caawa saqdii dhexe, kadib markii uu todobaadkii hore dalka Imaraadka Carabta ku geeriyooday  Taliyihii Booliska Somaliland Col. Maxamed Sanqadhi Dubad.

 

 

Sidaana ;-
“ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto madaxweyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XERM/249-1017/032012, ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, xarafka (d) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:                    Ahmiyadda ay Ciidanka Booliisku u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo buuxinta jagadda Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL;

Markuu Ka Fiirsaday:                Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:                  In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdilaahi Fadal Iimaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland.”  ayaa lagu yidhi qoraalka.
Dhinaca kale sharaxaad ku saabsan sarkaalka loo magcaabay Taliyaha iyo doorkiisa shaqada culus ee loo magcaabay Insha Allaah kala soco Araweelonews.com

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *