arrintaa ka hadlaya yidhi, “Dawlada cusub ee Masar waxay dhawaan ka furan doontaa magaalada Hargeysa xafiis siyaasadeed ka dib markii ay xukuumada Somaliland xidhiidh la sameysay, taasina waxay wax weyn ka tari doontaa cilaaqaadka labada dal,”ayuu yidhi Wasiirul dawladaha Wasaarada Arrimaha debeda Smaliland oo shalay u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta dalka.
Wasiirul dawluhu waxa uu sheegay in xukuumaddu ay xidhiidh dublamaasiyadeed la samaysay Dalalka carabta ee Masar iyo Tuuniisiya oo kacdoono shacbi talladdii lagaga tuuray Rijiimadii mudada dheer ka soo talinayay.
Md.Maxamed-Rashiid waxa uu sheegay in xukuumadu ay ahmiyad siinayso sidii ay iskaashi weyn ula yeelan lahaayeen dalalka dunida carabta oo uu tilmaamay inuu Somaliland ka dhaxeeyo Cilaaqaad balaadhani.
Wasiirul dawluhu wuxuu qurbo jooga Somaliland ee ku dhaqan wadamada caalamka u soo jeediyay inay wasaaradda Khaarajiga ka gacan siiyaan dedaalada aqoonsi raadinta ee lagu doonayo inay Somaliland hesho aqoonsi caalami ah.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
What’s your Reaction?
+1
+1
+1
+1
+1
+1
+1