Hargeysa(ANN) Ciidamada amaanka ayaa habeenadii u danbeeyay bilaabay  heegan culus iyo  hawlgalo lagu balaadhiyay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, gaar ahaan Magaalooyinka Berbera, Burco iyo Caasimada Hargeysa, waxayna ciidamadu fatashaad iyo baadhis saayid ah ku

 samaynayeen gaadiidka yar yar iyo kuwa waaweyn ee gelaya, ama ka baxaya magaalooyinkaa, iyadoo Magaalada caasimada ah ee Hargeysa si gaar ah looga dareemay dhaqdhaqaaqa iyo hawlgalada dhinaca amaanka ee ciidanka oo wadooyinka laamiga ah iyo kuwa Luuq luuqa ah ku baadhaya gaadiidka.
Ma jiraan wax warar ah oo xukuumadda Somaliland iyo saraakiisha amaanku kasoo saareen sababaha  keenay heeganka dheeraadka ah iyo baadhitaanka, sidoo kale ma jiro wax wara oo ku saabsan arrimahaa oo masuuliyiinta xukuumaddu ku sheegayaan inay guul ka gaadheen ujeedooyinkii hawlgaladaa, balse waxa jira xoggo hoose oo shebekada wararka ee Araweelonews  u xaqiijiyay inay jiraan dad meelo kala duwan laga qabtay 48-kii saacadood ee lasoo dhaafay. Sida ay sheegayaan xoggahaasi ciidanka amaanku waxay mudadii ay ku jireen hawlgaladaa dhinaca amaanka ku qabteen Magaalada Berbera laba Nin oo Milcaamad ku haystay agagaarka Bakhaarada ganacsadaha Oomaar ee Magaalada Berbera, kuwaas oo sida ay xoggaha iyo tibaaxaha laga helay  sheegayaan kasoo jeeda koonfurta Somaliya, isla markaana  ciidanku gacanta ku dhigeen. Kadib markii amar laga bixiyay Taliska guud ee ciidanka Bilayska Somaliland xaruntiisa Hargeysa.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qabashada labadaa Nin ay ka danbaysay. Kadib markii baadhitaano lagu sameeyay koox  todobaadkii hore intii u dhaxaysay habeenimadii Talaadadii  Ciida iyo Khamiistii lagu qabtay Magaalada Hargeysa, kuwaas oo ay ku raad joogeen qaar ka mid ah Saraakiisa Ciidabka Bilayska oo si weyn ula socday hawlgaladaa iyo dhaqdhaqaaqa lagu ogaaday kooxdaasi inay ku mashquulsan yihiin falal qaraxyo iyo waxyaabo la mid ah oo lagu khalkhalinayo nabadgelyada.
Kooxdaa todobaadkii hore la qabtay oo tiradooda lagu sheegay 5 qof, waxay sadex ka mid ahi ahaayeen macalimiin mudo wax ka dhigi jiray Jaamacada ADMIS ee laga leeyahay dalka Ethopia iyo sarkaal ka tirsan ciidanka Somaliland.
Sidoo kale  waxa jira warar sheegaya in hawlgaladii u danbeeyay ee ciidanka amaanku sameeyeen 48-kii saacadood ee lasoo dhaafay ay Magaalada Hargeysa ku qabteen dhawr qof oo kale oo meelo kala duwan laga qabtay, kuwaas oo wararka qaar sheegayaan in qabshadoodu la xidhiidho kooxdaa hore, balse ma jiraan warar si rasmi ah u xaqiijinaya tirada ay ka kooban yihiin iyo  in dadka lagu qabtay Magaalada Hargeysa 48-kii saacadood ee lasoo dhaafay la xidhiidho qabashadoodu hawlgalada iyo falalka loo qabtay kooxdaa hore.
Dhinaca kale baadhitaanada iyo heeganka ciidanka amaanku ku hafiyeen Magaalada hargeysa habeenadii u danbeeyay ayaa kusoo beegmay saacado  ka dib markii maxkamadda Degmada ee Hargeysa Salaasadii todobaadkii hore dib u dhigtay dacwada kiiska Mr. Gunter oo ah Nin  Jarmal ah oo mudo deganaa Somaliland oo lagu eedeeyay inuu Haween Somaliland ah ka qaaday sawiro iyo muuqaalo foolxun oo aan waafaqsanayn shareeca Islaamka, iyadoo kumanaan qof oo ka mid ah shacabka Magaalada Hargeysa kusoo xoomeen agagaarka iyo wajahada barxada dhismaha Maxkamaddaha si ay ula socdaan eedaymaha iyo kiiska Ninkaa, balse sababo amaan iyo cabsi ka dhalatay kumaanka qof ee subaxnimadii hore halkaa tegey dacwada Ninkaa markii sadexaad dib loo dhigay. 
Hadalhaynta sheekada Ninkaa oo bulshadu markii ay warbaahintu usoo gudbisay eedaha loo haysto si weyn dareen cadho ah uga muujiyeen iyo Culimada oo Masaajidada iyo goobaha maxaadarooyinka lagu qabto ku qaadaa dhigay foolxumooyinka iyo fawaaxishka uu ku eedasan yahay Mr. Gunter ayaa si weyn u kiciyay dareenka dadka, waxaana  la rumaysan yahay  inay cabsi ku abuurtay saraakiisha  dhinaca amaanka, taas oo kahasab ka dhigtay in saraakiisha amaanku iyagoo isha ku haya kooxo doonaya inay dareenka dadka ugu faa’idaystaan hawlgalo ka dhan ah amaanka guud iyo dacwada loo haysto Ninkaa ka fuliyaan dalka falal abuuri kara xasilooni daro. Iyadoo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr. Gaboose  Khamiistii gelinkii danbe shir’jaraaid oo uu ku qabtay xafiiskiisa uga digay dadweynaha inay kusoo gabadaan dad kiiskaa doonaya inay uga faa’idaystaan si khaldan, isla markaana wuxuu Culimada ugu baaqay inay xukuumadda iyo ha’yadaha garsoorka u daayaan kiiskaa oo aan Masaajidada iyo suuqa laga xukumin.
Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in hawlagalada habeenadii u danbeeyay ee ciidamada amaanku ku hafiyeen wadooyinka waaweyn ee caasimadu aanay ka madhanayn kiiska Ninkaa jarmalka ah iyo eedaha dacwada kiiska loo haysto.  

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *