Burco(ANN) Ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan jiida hore ee duleedka Buuhoodle ayaa gebi ahaanba la wareegay subaxnimadii hore ee saaka saddex goobood oo fadhiisin u ahaa Malayshiyada Nabad diidka SSC ee taageerada ka haysta maamulka budhacad-badeeda ee xaruntiisu tahay Garoowe.

 

 

Talaabada ciidanku kula wareegeen goobahaa oo fadhiisin u ahaa Malayshiyadaa ayaa ka danbaysay. Kadib markii ay cutubyo ka tirsan ciidanka Qaranka Somaliland ku ruqaansadeen saaka subaxnimadii hore halkaa, iyagoo gacanta ku dhigay 7 maxbuus oo ka mid ah malayshiyadaa iyo hal gaadhi oo kuwa gaashaaman ah, isla markaana kala wareegay fadhiisimadii dhufayska u ahaa kooxda oo kala ah Maygaagle, Sool joogto iyo Hagoogane.
Ma jiraan warar rasmi ah oo sheegaya halka ay ku danbeeyeen malayshiyadii goobahaa deganayd, balse warar dhinaca Buuhoodle ay ka heshay shebekada wararka ee Araweelonews ayaa sheegaya inay firxadkii kooxdaasi galeen gudaha magaalada Buuhoodle.
Wararka ka imanaya aaga hore ee fadhiisimada ciidanka qaranka ayaa sheegaya in mid ka mid ah ciidanka qaranka uu soo gaadhay dhaawac fudud, iyadoo aanay jirin cid ku dhimatay.
Dhinaca malayshiyada ayaanay jirin warar faafhaahsan  oo sheegaya inta uu leegayahay khasaaraha soo gaadhay, balse waxa jira warar sheegaya inay ilaa 4 ka mid ah malayshiyadu dhinteen, dhawaacuna tobaneeyo yahay.  Talaabada ay qaadeen ciidanka qaranka Somaliland ayaa cabsi ku abuurtay dadka magaalada Buuhoodle  oo malayshiyadu ka dhigatay gabood ay ku gabadaan. 
Malayshiyada nabaddiidka ah ee SSC ayaa taageero siyaasadeed iyo hub ka helay dhowaan kooxda dawladda ku meel gaadhka ee Somalia iyo  maamulka Budhcadbadeeda ee xaruntiisu tahay Garoowe. Sidoo kale waxay hub iyo saanad milateri ka heleen dawladda Eretria ee sida weyn uga qayb qaadata qalalaasaha iyo mushkiladaha dagaalada ka socday Somalia labaatankii sannadood ee u danbeeyay.
wixii kasoo kordha xaalada kala soco shebekada wararka ee Araweelonews.com
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *