al-shabab2Mogadishu(Araweelo News Network) Al-shabaab ayaa sheegatay weerar lagu khaarajiyay Xilldhibaan Max’med Maxamuud Xeyd oo ka tirsan Xildhibanada dawlada Federaalka

 

Somalia, isla markaana lagu dhaawacay xildhibaan Cabdullaahi Axmed Xuseen oo ku magacdheer (Coonka)

Weerarka oo ay fuliyeen koox hubaysan ayaa saaka barqadii ka dhacay magaalada Muqdisho ee xarunta dawlada Somalia ee ay taageeraan ciidamada AMISOM.

Dablayda weerarka fulisay ayaa ka cararay goobta ka hor intii aanay gaadhin ciidanka amaanku, mana weerarkii u horeeyay ee dhaca todobadkan gudaha magaalada Muqdisho, balse kooxo hubaysan ayaa sidan oo kale weeraro qorshaysan uga fuliya gudaha magaalada Muqdisho oo ay weerarada noocan ah musoo badanayaan.
Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in ay sii wadayaan weerarada ay la beegsanayaan masuuliyiinta dalwada iyo ciidamada, waxayna weeraradu kusoo beegmeen wax ka yar todobaad markii ay Al-shabaab ku hanjabtay in ay bisha barakaysan ee Ramadaan sii kordhinayaan weerarada ay ku hayaan ciidamada dawlada, kuwa AMISOM iyo Hay’addaha dawliga ah.

Dhinaca kale Al-shabaab waxay dib ula wareegeen ka tirsan Shabeelada Hoose, kuwaas oo ay hore gacanta ugu hayeen ciidamada Dawlada Somalia, balse ay iskaga baxeen kadib markii sida ay sheegeen ay waajaheen xaalad adag iyo  gurmad  la’aan. Laakiin saraakiisha ciiidamada qaarkood ayaa ku tilmaamay tallaabada ay kaga baxeen deegmadaa mid la xidhiidha xeelad dagaal.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *