Sanca(Araweelo News Network) Wadamada Reer Galbeedka ayaa shaqaalohooda kala baxay dalka Yaman. Kadib weeraro ka dhacay meelo ka mid ah dalka Yaman oo dhexmaray Al-qadida gasiirada carabta iyo hanjabaado safaaradaha dalalka reer galbeedka ee ku yaal Sanca oo sababay in

 

laga daad gureeyo boqolaal ka mid ah shaqaalaha ajaanibka eek a shaqaynayay safaaradaha dalalkaa iyo hawlwadeenada shirkadaha shidaalka.
Dalalka Maraykanka, Britain, Garmeny, Holland  iyo wadamo kale ayaa gebi ahaanba xidhay safaaradihii ay ku lahaayeen dalkaa, taas oo daba socotay digniin ka timi dhinaca Al-qadida Jasiirada carabta ee ku sugan Yaman. Sidoo kale waxay arrintani kusoo beegantay maalmo ka dib markii dawlada Maraykanku xidhay in ka badan 21 safaaradood oo ku yaal dalalka Islaamka iyo Israail, kuwaas oo lala xidhiidhiyay xadhigooda digiin ka timi Al-Qaida.
Dhinac kale ku Dhawaad 10 katirsan ciidamada dowladda Yemen ayaa lagu dilay dagaallo culus oo ka dhacay gobolka Ma’rib oo kamid ah gobolada ugu waaweyn ee ay degan yihiin shirkadaha shidaalka, kaas oo ma mid ah gobolada ay Al-Qaida awooda ku leeyihiin. Weerarka khasaaraha dhaliyay ayaa ka dhashay kadib markii Ciidamo ka tirsan dawlada Yaman oo weeraray goobo ka tirsan deegaankaa uu dagaal dhexmaray koox ka tirsan mintidiinta ku sugan dalkaa ee Ansaarul Shareeca, kuwaas oo dhulka soo dhigay Diyaarad Helekobtar ah  oo ka qeyb qaadanaysay dagaalka ka dhacay magaalada Ma’rib ee waqooyiga wadankaas.

Sarkaal ka tirsan Dowladda Yemen waxay xaqiijisay in khasaare ka soo gaadhay ciidankooda dagaallo ka dhacay gobolka Ma’rib, waxayna shaaciyeen in laga dilay 7 Askari iyo sarkaal sare, kuwaas oo saarnaa diyaarada, balse waxay dawlada Yaman ka cadhootay inay wadamada Reer galbeedku kala baxaan shaqaalohooda, taas oo ay sheegeen inay fursad siinay Al-Qaida.

Dhinaca Diyaaradaha Maraykanka ee aan Duuliyaha lahayn ayaa saaka waaberigii duqayn ka sameeyay goobo gaciyaman oo ka tirsan dalkaa, kuwaas oo la sheeciyay inay ku beegsadeen Afar qof oo ka mid ah Al-Qaida Yaman, iyadoo weerarkaa oo kale diyaarad sidan oo kale subaxnimadii shalay ugu duqaysay deegaan kale, kaas oo Maraykanku sheegay inay la beegsadeen xubno ka tirsan AlQaida oo ay ku dileen weerarkaa, waxayna arrimahani kusoo beegmay iyadoo ay soo baxayaan warar sheeagaya in dawlada Maraykanku qorshaynay weerar ay ku qaado deegaamo ka tirsan dalka Yaman

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *