Hargeysa(Araweelo News Network)Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha debadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in aan dawladda

Jamhuuriyadda Somaliland aqbalayn in ay dawlada Federaalka Somalia  soo farageliso xaqa ay u leedahay Somaliland  in ay maamusho xuduudaheeda badeed ee sharciga ah.

Sidaana waxa lagu sheegay Warsaxaafadeedkii  u horeeyay ee uu saaray Wasiirka arrimaha debadda Somaliland Dr.  Maxamed Biixi Yoonis oo dhowaan xilka la wareegay, wuxuuna warsaxaafadeedkani daba socday qandaraas dhex maray dawladda Federaalka Soomaaliya iyo shirkad gaar ah oo qaabilsan amniga Badaha Somalia.

 

Warsaxaafadeedkaas oo uu ku saxeexnaa Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah Maxamed Biixi Yoonis oo arrintaa, wuxuu u  dhignaa sidan:- “Wasaaradda Khaarajiga Somaliland, iyada oo ka jawaabaysa qandaraaskii sharciga badda ee ay saxeexdeen 30 July 2013 wasaaradda difaaca dawladda federaalka Soomaaliya iyo shirkadda gaarka ah ee ku lug leh dhinaca badda ‘Private Maritime Security Group Atlantic Marine and Offshore (AMO), waxa ay dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, celineysaa mar kale in aanay aqoonsanayn, ayna diidan tahay iskuday kasta oo ay dawladda federaalka Soomaaliya ku doonayso in ay ku lug yeelato ama ku xukunto ama ku raadinayso in ay awoodeeda ku fidiso biyaha ku dhereran xuduuda Somaliland.

 

“Somaliland waxa ay dib u hanatay 18 May 1991, madaxbanaanideedii ay wakhtiga ku kooban ku naalootay markii uu soo afjarmay xukunkii Ingiriiska 26 Juun 1960, ka hor intaanay iskeed ula galin midaw Soomaaliyadii Talyaaniga.

Dastuurka Somaliland oo lagu ansixiyay afti dadweyne sannadkii 2001, iyo xeerkeeda kalluumaysigu waxa ay xaqiijiyeen in ay tahay dawladda Somaliland awoodda keliya ee xukumaysa dhulka Somaliland iyo xeyndaabka biyahoodaba. Sidaa oo kalena ay gaar u leedahay xuquuqda dhaqdhaqaaq iyo madaxbanaaniyeed ee gudaha xuduudaheeda bad iyo berriba.

 

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay soo dhawanaysaa dedaalka ay dawladda federaalka Soomaaliya ugu jirto sidii ay u xoojin lahayd amniga biyaheeda sida waafaqsan xeerka caalamiga ah. Hase yeeshee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay kala shaqaynaysaa beesha caalamka iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya arrimaha goboleed ee maamul dawladeed, amni iyo maamulka khayraadka ee geedi socodkii Kambala ‘Kampala Process’.

 

Geedi socodkaasi oo soo bilaabmay 2010, waxa uu ahaa meedaan iskaashi farsameed oo lagu taageeray shirkii London ee Soomaaliya 2013.”

 

Warsaxaafadeedka oo ka hadlaya dhinacyada iskaashi ee dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu yidhi,”Dawladdaha Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay wakhtigani ka wada shaqaynayeen si ay u soo afmeeraan istaraatajiyad amni iyo khayraadka biyaha oo looga gol leeyahay xoojinta iskaashiyeed ee dhinacyada amniga badda oo ay ka mid yihiin, budhcad badeeda, kalluumaysiga sharci darrada ah iyo qashinqubka suntan ah.

 

Istaraatajiyadda waxa ay ujeedadeedu tahay sida loo xoojinayo wax wada qabsiga iyo hubinta isku xidhnaanshaha balaadhan ee kaalmada deeqbixiyayaasha, taasi oo waafaqsan warmartiyeedkii ‘Ankara’ ee ay wada saxeexeen labada dawladood bishii Abril 2013 ee qayb ka ahaa wadahadalkii laba geesoodka ahaa ee Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay dhawraysaa sii wadida wadahadalka ku salaysan warmurtiyeedkii Ankara.” Ayaa lagu yidhi  qoraal saxaafadeedkaa oo ah kii u horeeyay ee uu soo saaro wasiirka cusub ee arrimaha debeda Somaliland mudadii uu xilka la wareegay.

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *