Hargeysa (ANN) Guddidii Madaxweynaha  Somaliland dhowaan u xilsaaray baadhitaanka iyo xaqiiqada salka u ahayd inay xeebta galbeedka Dalka ee gobolka Awdal kasoo degaan malayshiyo hubaysan oo ka tirsan jabhada ONLF, isla markaana

 ay u suurta gashay inay uga   gudbaan xadka Somaliland  dhinaca dalka Ethopia ayaa markii u horaysay  caawa  ka hadlay  waxyaabihii ay kusoo ogaadeen baadhistoodii.
Gudiddaa oo ka koobnayd  xubno  Wasiirro ah  iyo Saraakiisha Ciidamada iskugu jiray   oo hawshoodu ahayd baadhista dhacdadii 10-kii bishan ay 250 ka mid ah Maleeshiyada ONLF kaga soo dageen xeebaha galbeedka Somaliland, ayaa  faah faahin ka bixiyay qeybo ka mid ah warbixintoodii oo ay  si rasmi ah qoraal ugu gudbiyeen Madaxweyne . Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Sida ay sheegeen.
shir jaraa’id oo ay ku qabteen Wasaaradda Warfaafinta waxay ku sheegeen in aanay jirin saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo ku lug yeeshay kiiskan. Guddoomiyaha Guddidaasi oo ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga. Axmed X. Cali Cadami, oo ka hadlay waxyaabihii ay ku ogaadeen baadhistii  iyo sidii ay hawshoodii u soo guteen wuxuu yidhi,  “Guddidu halkan ayaanu ka ambo baxnay oo afar cisho ayaanu soo marnay jiida galbeedka ee labada Gobo lee Awdal iyo Salal. Waxaanu habeenkii koowaadba la kulanay Badhasaabkii Gobolka Awdal ka dibna Taliyihii aaga galbeedka Somaliland oo markaa Boorame joogay.
Madaxdaasi wixii su’aalo ah ee madaxayaga ku wareegayayba waanu waydiinay, iyaguna wixii xog ay hayeen way noo sheegeen. Waanu ka baxnay oo waxaanu tagnay Degmada Xariirad oo ahayd badhtamaha halkii gawaadhida maleeshiyadii lagaga soo guray, halkii ay isku qeybiyeen. Waxaanu waraysanay illaa Kontameeye qof oo wada masuuliyiin ah sida ciidamada Milatariga, Boolis, madax maamul iyo shacbi iskugu jiray.”

Wasiirka Gaashaandhigu  wuxuu sheegay in shacbiga labada gobol ee Awdal iyo Salal ay yihiin dadweyne wanaagsan oo ka xumaa dhacdadii xeebta galbeedka Somaliland lagaga soo dejiyay 250 ka mid ah maleeshiyada ONLF ee dagaalka hubaysan kula jirta dalka Somaliland xidhiidhka dhow la leh ee Itoobiya,  “Waxaanu ku dedaalay inaanu tagnay dhulkii la yidhi way soo galeen oo dharka ayay ku bedasheen, oo faataxadda ayay ku sii akhristeen. Waanu soo aragnay, waxaan la qarin Karin oo run ah Guusha u weyn waxay cadowgaasi ku gaadheen waxa la yidhaahdo sirta qarsoon, marka warkaaga aan la helinba guushaadu way badanaysaa. Marka warka lagaa hor helana waa lagaa tabaabushaysanayaa.” Ayuu yidhi

Mr. Caddami  wuxuu sheegay in ciidamada Somaliland iyo Itoobiyaba la marin habaabiyay oo meeshii ay maleeshiyadu ka soo degayeen meel aan ahayn loo tilmaamay.“Waxa arrintan cadowgani inay dalkeena ka soo degaan oo ay maraan u fududeeyay dad biidhi qaateyaal ah, oo damiirkooda iibsaday oo wax yar oo aan macno lahayn oo dunyawi ah lagu kasbaday, oo xataa u diyaariyay nimankii dal yaqaanka ahaa ee inta waddo ee ay buurta Maarmaar  leedahay iyo ciidankeenu halka uu joogo u sheegayay ayaa jiray.waxay adeegsadeen dad inaga ah oo Somaliland u dhashay. Qaar waa la hayaa dadkaasi, Kuwo door weyn arrintaasi ku lahaa oo isku xidheyaashii ahaa oo illaa imika maqan oo aan Somaliland ka bixin oo gobaladeenan ku dhex dhuumanayaana way jireen,”ayuu yidhi  Axmed X. Cali Cadami.

Wasiirku wuxuu sheegay in Ciidamada qaranku intooda badani aanay tagin meelaha qaarkood haddii aan lagu amrin oo aan loo xil saarin wax ka qabashadooda. Mr. Cadami, oo sharaxaad ka bixinayay waajibaadkii Guddidiisa loo xil saaray wuxuu yidhi “Anaga (Guddi) ahaan waxa naloo diray xaqiiqo raadin ayaanu ahayn, nalama odhan cid soo xidh xidha, dambigu sida uu u kala culus yahayna soo kala qora nalama odhan. Maanta ayaanu warbixintayadii  maanta ayaanu qornay oo aanu u gudbinay Madaxweynaha. Waxaana tallooyinkaasi ku jira sidii wax looga qaban lahaa arrintan, mana jirayso dib dambe cid isku keen dayaysaa. Dhacdaduna waa wax dhaca oo Maraykan ayaa wax ka dhici karaa. Ciidankii Itoobiya ee inaga awood badnaa ayaa la marin habaabiyay in kasta oo markii dambe ay si fiican ula dagaalameen oo aan khayr laga qaadin markii dhulkooda loo gudbay. Dhibaato badan ayaa soo gaadhay cadowgaasi.“Ciidamadeena deegaanada xeebta jooga tiradoodu way yar tahay tamartooduna way yar tahaye in la xoojiyo way ku jirtaa warbxintayada, waxa kale oo ku jira  in la soo qabto dadka ku lug lahaa arrintan ee aan wali lahayn ee dhuumanaya, Madaxweynaha waanu u gudbinay qoraal dheer oo akhris ugu filan yahay,”ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigu.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda  Warfaafinta Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel Jirre) oo wax laga  weydiiyay  waxa ka jira warar sheegayay inay  kiiskiiskaa ku lug lahaayeen masuuliyiin ka tirsan ciidamada Militariga, Booliska iyo maamuleyaasha dawlada ee labadaa gobol ayaa  yidhi “Illaa imika wax madax ah oo Milatari ah ama shaqaale dawladeed ah oo aanu arrintaasi ku tuhunsan nahay ma jirto, dadka waxan gadhwadeenka u ahaa waa wada shicib, sida darawallo baabuur leh iyo dad kale oo shicib ah.

Waxa kaloo  Wasiirka Warfaafintu, isagoo  ka jawaabaya su’aal oo la xidhiidhay in Ciidamada Sirdoonku ay arrintaa ka gaabiyeen, wuxuu yidhi, “Dhacdadani waxay ahayd mid dibada inagaga  yimid Sirdoonkeenu inta aynu ka warhayno wuxuu ku xoog badan yahay xuduudaheenna. Arrintani waxay ahayd dhacdo caalami ah oo dawlado shisheeye soo abaabuleen wakhti yar oo dhawr iyo sodon saacadood ahna lagu fuliyay bilow illaa dhamaad. Wadamo badan oo adduunka ahba way dhacdaa in laga hoos duso laakiin waa in la is weydiiyaa inaanay dib dambe arrintaasi oo kale u dhicin.” Ugu dambayntii waxa labadaasi Wasiir ay Saxaafada u soo bandhigeen muuqaalka  waxyaabo ay ka soo heleen goobihii ay maleeshiyadii ONLF ku sii nasteen intii aanay u gudbin dalka Itoobiya, waxana ka mid ahaa galka booshashka rasaasta, koofiyado, iyo Dirays googo´an.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *