images/stories/mid ka mid ah gaadiidka gaashaaman oo duqaynaya buuraha galgala.jpg Boosaaso (ANN)Buuralayda Galgala oo qiyaastii 40km dhinaca Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso ayaa maanta dagaal xoogani ku dhexmaray kooxda Shiikh Maxamed Siciid Attam iyo Ciidamada Maamulka Puntland. Dagaalkaa oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ay labada dhinac iskaga hor yimaadaan markii sadexaad tan iyo markii ay deegaankaa dib uga bilaabeen dagaaladu.
Shiikh Attam oo maanta la hadlay Idaacada VOA qaybteeda Af-soomaliga ayaa sheegay inuu guul ka gaadhay dagaalka maanta, isagoo ku dooday in aanay dhinacooda soo gaadhin wax khasaare ahi kooxdiisa, isla markaana ay jab iyo Halaag la kulmeen Ciidamada Dowlada Puntland oo uu ku tilmaamay kuwa aan aqoon u lahayn Buuralayda degaanka Galgala.
Shiikh Attam ayaa sheegay inay dhaawaca iyo dhimashada Cisbitaalka Boosaaso la soo gaadhsiiyey ay ka badan tahay khasaaraha dowlada la soo gaadhsiiyey, isagoo intaa ku daray inay gadiid gaadhaya ilaa 3 gaadhi ay ka gubeen Ciidamada Shiikha Mayalka adag ee Maxamuud Siciid Atam. Laakiin ma jiraan warar madaxbanaan oo si cad u iftiiminaya inta uu leegyahay khasaaraha rasmiga ah ee dagaalku.
Dhinaca kalena dad ku sugan magaalada Boosaaso ayaa u sheegay shebekada wararka ee Araweelonews in la geeyay Cusbitaalka dhaawac iyo dhimasho, iyadoo 14 Maydka Askartii ku dhimatay maanta lugu aasay qabuuraha Magaalada Boosaaso, Halka dhaawac farabadan oo lagu qiyaasay 25 qof dhaawacoodu yaalo Cusbitalka guud ee Magaalada Bosaso.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Hargeysa Office
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com