Gebilay(ANN)Ciidanka Booliska ayaa xabsiga u taxaabay 12 xildhibaan oo ka mid ah 21-ka xubnood ee  uu  Golaha deegaanka Gebilay ka koobanyahay, kadib markii ay isku dayeen saaka inay xoog ku fadhiistaan hoolka shirarka golaha deegaanka gebilay.Xildhibaanadaa aayaa

doonayay inay sameeyaan fadhi ay ku doonayeen  inay xilka kaga qaadaan Haweenayda Maayarka ka ah Golaha deegaanka gebilay Marwo  Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Gaydh, balse xildhibaanadaa iyo Booliska oo diidanaa inay galaan dhismahaa, ayaa isku dhacay, waxaana dhexmaray gacanka hadal.Madaxweyne xigeenka Somaliland oo la weydiiyay xadhiga xildhibaanada iyo qaabka sharciga loo maray ayaa ku dooday inay xildhibaanadu sameeyeen rabshado, isla markaana bur-buriyeen daaqadaha gurigaa oo ay la dagaalameen askarta Booliska.
Dhinaca kale  Qaar ka mid ah mudanayaasha ayaa ku andacooday in wasiirka arrimaha guduhu u diiday in Golaha loo fasaxo inay kalfadhi yeeshaan wakhti ay xilkoodii ka hadhsantahay 28-maalmood oo kaliya. Xildhibaanada  oo mudaharaad rabshado wadata ka bilaabay xarunta  dawlada hoose ee gebilay ayaa  gebi ahaanba dhulka dhigay muraayadihii xafiisyada dawlada iyo hoolkii cusbaa ee dhawaan dawlada hoose ee gabiley ay u dhistay Marwo Khadra xaaji Geydh. wararka qaar ayaa sheegaya inay deegaanka gebilay ka taagantahay xiisad ka aloosan u dhaxaysa Haweenayda Maayarka ka ah Gebilay  iyo xubnahaa golaha deegaanka, kuwaas oo doonaya inay xilka ka xayuubiyaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *