Hargysa (ANN) Xarunta Wadahadalka iyo dumuqraadiyada (Center for Dialogue and Democracy) ayaa soo saartay qoraal isugu jira hanbalyo iyo talo bixin ku waajahan  madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.Qoraal shebekada wararka ee araweelonews loo soo mariyay internetka oo kasoo baxay xaruntaa,

 

 

waxa ku saxeexnaa  Agaasimaha xaruntaa

Mukhtar M Hassan, wuxuuna qoraalkaa oo dhamystirani u qornaa sida;-

 

 

“Xarunta wada hadalka iyo dimuqraadiyaddu (Center for Dialogue and Democracy) waxay marka hore bogaadin u diraysaa shacbiweyanaha Somaliland sida nabadgelyada leh ee ay u codeeyeen. Xaruntani waxay hambalyaynaysaa madaxweynaha la doortay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxman Cabdillahi – Saylici.  Sidoo kale waxaanu hambalyo u diraynaa madaxweynaha xilka sii haya, Daahir Riyaale Kaahin iyo ku xigeenkiisa Axmed Yusuf Yaasiin sida geesinimada leh ee ay u ogolaadeen natiijada doorashada.

CfDD waxay xasuusinaysaa masuuliyiinta la doortay inay sugayso hawlo culus oo baaxad leh. Dal u baahan in dhinac walba wax laga qabto. Dhaqaale kobcin  u baahan, caafimaad tayayn raba, tacliin horumarin iyo jihayn sugaysa, shacbi biyo la’aani hayso, xoolo daaq iyo iibgeyn u baahan, waxsoosaarka beeraha oo u baahan in la kordhiyo, ganacsiga oo in kor loo qaado lana madaxbaneeyo raba, agoonta iyo naafada oo wax loo qabto, shaqaalaha iyo ciidamada oo daryeel loo sameeyo, iyo ugu danbaynta hawsha ugu muhiimsan oo ah helitaanka aqoonsiga Somaliland. Waxaanu Ilaahay uga barnaynaa inuu u fududeeyo hawlahaa baaxadda leh ee sugaya hoggaanka cusub.

CfDD waxay saadaal ay ka samaysay doorashada Somaliland ku saadaalisay in xisbiga KULMIYE ku guulaysan doono 48%, tani oo rumowday. Waxaa saadaashaa ku ladhnayd fariin dadku u dirayeen xisbiga guulaysta taasoo ahayd in laga filayo in la sameeyo  isbedel lana soo dhiso xukuumad kooban oo tayo leh. 

Xisbiga KULMIYE iyo madaxdiisa waxa laga rabaa inay ka jawaabaan dareenka dadka soona dhisaan xukuumad kooban, tayo leh, dalkana gaadhsiisa horumar iyo barwaaqo.”

Xarunta wada hadalka iyo dumuqraadiyada ayaa hore u saadaalisay inuu doorashada madaxtooyada ku guulaysanyo madaxweyne cusub ee la doortay Axmed siilaanyo. Ka dib markii ay xaruntu soo bandhigtay maalmo ka hor cod bixintii doorashada rayi ururin ay ku samaysay bulshada oo ay ku  saadaalisay saddexda xisbi ka guulaysanaya doorashada madaxtooyada.

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *