Tripoli(ANN) Hogaamiyihii Midabada badnaa ee Dalka  Libya ayaa la waayay meel uu ku danbeeyay. Kadib markii ay halkaa ka bilaabmeen todobaadyadii u danbeeyay mudaharaadyo waaweyn oo si weyn usoo jiitay indhaha  aduunka, kuwaas oo Mr. Mucmar Al-Qadafi

 

u adeegsaday diyaaraddo iyo ciidamo, balse istaagi waayay ilaa ay albaabka uga soo galeen, isla markaana  ku khasbay inuu lafihiisa la baxsado.
Banaanbaxayaasha oo ku guulaystay shalay inay qabsadaan oo ay gebi ahaanba la wareegaan magaalada labaad ee ku taala woqooyiga dalka Libya Banqaasi,   iyadoo  Qadaafi ku amray ciidmada cirka inay garaacaan banaanbaxayaasha oo  ay u isticmaalaan diyaarado. Laakiin kacdoonadii ayaa halkoodii ka sii socday, kuwaas oo caasimada dalkaa ee Tripoli soo gaadhay, taas oo khasab ku noqotay inuu Madaxweyne Qadaafi si qarsoodi ah uga baxo.
Xaalada ayaa faraha ka baxday kadib markii wiil uu dhalay Qadaafi  oo lagu magcaabo  Saif Al-Islam ugu hanjabay debedbaxayaasha  haddii aan la joojin banaanbaxyada inuu dalka ka dhici doono dagaal sokeeye, isla markaana gacanta laysula tegi doono.
Kacdoonada soo gaadhay isniintii maanta Tripolis ayaa sababay inay xaaladu faraha kasii baxdo, iyadoo ciidamada amaanku six un u xasuuqeen dadka shacabka ah, isla markaana loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka oo hawada lagaga rusheeyay.
Col. Qadaafi ayaa si qarsoodi ah uga baxay dalka sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Tripoli, iyadoo ay wararka qaar sheegayaan inuu u baxay dalka Venezuela, balse xukuumada Venezuela  ayaa sheegtay inaanay waxba ka jirin wararka sheegaya inuu madaxweynihii dalka Libya col. Qadaafi u baxay dalkooda.
Laba diyaaradood oo ka mid ah kuwa ciidamada ee lagu amaray inay dadka garaacaan ayaa fadhiistay maanta Jasiirada Malta. Kadib markii Bayloodadii watay diideen inay dadkooda rusheeyaan. Xaalada magaalada Banqaasi ayaa caawa degan sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaa, iyadoo mid ka mid dadka magaalada oo Idaacada BBC-da qaybteeda carabiga caawa la hadlay sheegay inay ku jiraan iyagu dabaaldeg. Magaalada daraabulis ayaanay iyana ka jirin wax dhibaato ahi, balse caasimada dalka ee Tripoli ayaa bandaw ah, iyadoo tirada dhimashada iyo dhaawacu sii kordhayaan,   isla markaana waxa gebi ahaanba dalka ka go,an isgaadhsiinta iyo telefoonada.
Dalalka reer galbeedka ayaa xaalada dalka Libya aad uga wer wersan, iyadoo laga cabsi qabo inay dagaalo sokeeye ka bilaabmaan, waxaana soo baxaya baaqyo lagaga dalbanayo maamulka sii dhacaya inay joojiyaan xasuuqa, iyadoo tirada dadka ku dhintay labadii maalmood ee u danbeeyay lagu qiyaasay  ku dhowaad 350 qof, halka tirade dhaawacana lagu qiyaasay 3000. Magaalada Tripoli oo keliya oo weli rabshaduhu sii  socdaan ayaa 24 saacadood ee lasoo dhaafay la sheegayaa inay ku dhinteen ku dhowaad 100 qof, halka boqolaal kalena ku dhaawacmeen.
Dhinaca kale Wakiilka Qaramada midoobay u joogay Libya Ibraahin Dabaashi ayaa sheegay inuu Col. U sheegay inuu joojiyo xasuuqa uu ku hayo dadka, wuxuuna caawa warbaahinta u sheegay in beesha caalamku u gurmato dalkiisa, si loo joojiyo ayuu yidhi xasuuqa ka socda halkaa.
Mr.Dabaashi oo ku sugan xarunta qaramada midoobay ayaa sheegay in aanu ka tirsanayn hada maamulka qadaafi, isla markaana wuxuu sheegay inuu Qadafi qorshaynayo inuu u baxo dalka Niger ama Chat, balse markaa ka dib ay suurta gal tahay inuu u baxo  dhinaca dalka Venezuela.
Sidoo kale wasiirkii Cadaaladda ayaa iska casilay maamulka Qadaafi, iyadoo ay dublamaasiyiin wadamo kale halkaa u joogay iyaguna xaalada wer wer ka muujiyeen ayaa is casilay.
Xaalada dalka Libya ee sii xumaanay ayaa laga cabsi qabaa inay saamayn weyn ku yeelato dhaqaalaha aduunka, isla markaana waxa durba soo baxay cabsi laga qabo inuu qiimaha shidaalku si weyn u kordho, maadaama ay Libya ka mid tahay dalalka dhinaca shidaalka ugu horeeya.
Qadaafi ayaa dalka Libya ka talinayay 42 sannadood, wuxuuna u dhaqmi jiray sida boqorada, isagoo mararka qaar jeclaa in loogu yeedho Boqorka Africa. Laakiin Col Qadaafi ayaa hada lagu muransan yahay halka uu ku danbeeyay, isla markaana xaalada dalka Libya ayaa si weyn looga wer wer qabaa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *