Hargeysa(ANN)Madaxtooyada Somaliland ayaa jawaab ka bixisay canbaarayn uu xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo usoo jeediyay Gudoomiye xigeenka Koowaad ee Xisbul xaakimka Kulmiye Dr. C/raxmaan C/qaadir. Kadib markii waraysi uu shalay siiyay Telefishanka Horn Cable TV, ku sheegay inay xukuumaddu noqotay mid kooxo  aan isla haysan ka samysmeen, isla markaana habacsanaan badani ka muuqato, isagoo dhinaca kalena saluug weyn uu ka muujiyay qaabka ay ula dhaqantay dadka deegaanka uu kasoo jeedo.
Hase yeeshee  Afhayeenka Madadxtooyada Somaliland C/llaaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa manta shir jara’id ku qabtay xarunta madaxtooyada jawaab ka bixiyay eedahaa siyaasadeed ee gudoomiye xigeenka Koowaad u jeediyay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Af-hayeenka Madaxweyne Siilaanyo C/llaahi Maxamed Daahir (Cakuse ), waxa uu ku tilmaamay canbaarayntaa  mid ka durugsan milgihii lagu yaqaanay Dr. C/raxmaan C/qaadir,  isla markaana waxa uu ku tilmaamay mid  maanta dib ugu laabtay, wax uu ugu yeedhay  qabyaalad, isagoo dhinaca kalena difaacay Af-hayeenku  in aan Madaxweyne Siilaanyo weli aanay ku tilmaamin  kuwa siyaasad ahaan ka soo horjeedaa qabyaalada uu ku tilmaamay,  isagoo ahaa dadkii mudada dheer la soo shaqeeyey  Madaxweynahana, “waxan leeyahay  illaahay nabar gardaro hawga dhigo waanan ka tacsiyaynayaa Madaxweynaha” ayuu yidhi Af-hayeenka Madaxweyne Siilaanyo.
C/llaahi Cakuse waxa uu ku dooday  inaan Madaxweyne Siilaanyo weli lagu xaman nin qabyaali ah,  waanan ka xunahay arrintaa maanta saaxiibkii kaga timi ayuu yidhi.
“Cabdiraxmaan cabdiqaadir waxaan u haynaa asxaan waa gudoomiye kuxigeenkii xisbul xaakimka waxaanan leenahay soo dhawoow ayuu yidhi.Af-hayeenku,   Wuxuuna wax kasoo  qaatay taariikhdii xooganayd ee ka dhaxaysay Madaxweyne Siilaanyo  iyo Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ilaa waqtiyadii SNM, isagoo ugu danbayntii sheegay inuu usoo jeedinayo Gudoomiye xigeenka Kowaad ee Kulmiye C/raxmaan C/qaadir inuu raaligelin ka bixiyo ereyadii uu warbaahinta siiyey, isla markaana ugu baaqayo inuu ku soo noqdo xayndaabka milgaha iyo wanaaga siyaasada.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *