Burco(ANN) Dablay jidgooyo u gashay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir iyo Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed C/llaahi Xamarji oo

kasoo laabtay Mashruuc Seerre duleedka Magaalada Burco oo la dhagax dhigayay, ayaa sababtay dhimashada laba qof oo mid ahaa Ilaalada la socotay.

Sida uu warbaahinta u sheegay Wasiir Cabdi Aw Daahir waxa Rasaas is weydaarsaday Ilaalada la socotay iyo dhawr Nin oo Jiggooyo uga galay markii ay kasoo laabteen halkaa duleedka Magaalada Burco ee dhinaca Koonfureed, taas oo sababtay in tacshiiradaha ay is weydaarsadeen ay ku naf waayaan  Laba qof.

Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Dr.Cabdi Aw-Daair Cali, waxa uu sheegay in labada qof ee ku dhintay halkaa mid yahay Askarta Booliska ee la socotay, halka ka kalena uu ku sheegay inuu ahaa kooxda Dablayda ah, wuxuuna xusay inay gacanta ku dhigeen Ilaalada la socotay mid ka mid ahaa kooxda jidgooyada u gashay ee dablayda, halka mid kalena uu baxsaday.

Dhinaca kale Kooxda dablayda ah ayaa la rumaysan yahay inay ka cadhoodeen Mashruuca Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Badhasaabku dhagax dhigeen ee Banka Aroori ee magaalada Burco, kaas oo cabirkiisu dhanyahay 600- Lix-boqol-oo-Mitir, isla markaana  loogu talo galay inay  xiliga abaaraha xooluhu ku baxsadaan, balse waxa jiray warar sheegaya in cid gaar ah la siinayo Seerrahaa.
Hase yeeshee Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir ayaa sheegay in aan warkaa waxba ka jirin ee ay tahay arrin la doonayo in lagu hor istaago mashruucaa oo ka mid ah qorshayaasha xukuumadda ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *