Madaxweyne Siilaanyo ayaa amray in la xaraasho gebi ahaanba iskaraabka dalka yaal, isagoo taa bedelkeedana sheegay in wixii dhaqaalle ah ee kasoo baxa lagu

 

maalgelin doono Ciidamada Qaranka ee kala duwan.

Sida lagu sheegay Digreeto Madaxweyne Siilaanyo kasoo saaray xafiiskiisa qasriga Madaxtooyada dalka ka hor intii aanu safar dhinaca dalka Turkiga ah u bixin dhoofin Isniintii 9 April 2013.
Digreetada Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu nuxur ahaan ku yidhi, “ Iskaraabka dalku waxa uu ka mid yahay hantida guud ee dalka, waxaana mas’uul ka ah Dawladda-dhexe sida ku tilmaaman Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Qodobka 12aad.
Dawladda-dhexe ayaa xilka saaran yahay qorshaynta iyo in sida ugu habboon looga faa’iidaysto Iskaraabka.

Haddaba, waxa aan farayaa Wasaaraddaha ay wareegtadani sida tooska ugu socoto inay guddi farsamo u saaraan soo ururinta dhammaan iskaraabka Dalka.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.
Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ku faray gudida qandaraasyada qaranka inay hantidaa qiimeeyaan kadibna ay mariyaan nidaamka sharciga qandaraasyada qaranka, isagoo yidhi,  “Waxa aan farayaa Guddida Qandaraasyada Qaranka inay qiimeeyaan iskaraabka, mariyaanna nidaamka qandaraasyada Qaranka, isla markaana u bandhigaan suuqa xorta ah (Tartan xor ah iyo qandaraas furan), iyaga oo la-kaashanaya Wasaaraddaha hawshan ku hawlan.
Sidaas darteed, dhammaan wixii dhaqaale ka soo baxa waxa lagu maal-gelin doonnaa Ciidammada kala duwan ee Qaranka, waxaanna dhaqaalahan lagu shubi doonnaa qasnadda Dawladda, iyada oo la raacayo hab-maamulka Wasaaradda Maaliyadda.”

Dhinaca kalena Madaxweyne Siilaanyo wuxuu Digreetadaa ku xusay Markab 2002, kusoo caaryay Xeebta Lughaya oo waqtigaa Xukuumadii Madaxweynihii hore Daahir Rayaale iibsatay xadiid kumanaan tan ah oo saarnaa, balse qolofkiisii Iskaraab ahaan u yaal halkaa, kaas oo uu sheegay  in wixii dhaqaale ka soo baxa Markabkaa marka la iibiyo si gaar ah loogu horumarin doonnaa Dekedda Lughaya, iyadoo sida uu sheegay  la marin doonno iibintiisa nidaamka sharciga ah ee ay maamulayaan gudida qandaraasyada qaranka.
Dhawaaqa Madaxweyne Siilaanyo ee digreetada xambaarsan amarka lagu farayo gudida qandaraasyada qaranka inay maamulaan dhamaan Iskaraabka dalka oo tartan xor ah lagu siinayo cidii hesha qandaraaska, ayaa kusoo beegmay, iyadoo ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo si weyn warbaahinta qaarkeed u canbaaraynaysay tan iyo bilawgii uu xukunka la wareegay ku dhowaad sadex sanadood ka hor in Mashaariicda dalka iyo qandaraasyada ay muwaadiniintu u sinaan lahaayeen shaqsiyaad gaar ah lagu naas nuujinayay, taas oo meesha ka saartay shaqadii iyo waajibaadkii gudida Qandaraasyada dalka oo shaqo la’aan ku dhacday, isla markaana qaabka loo maamulo mashaariicda qandaraasyada dalku ay dhaafi waayeen Sodog, Seedi  iyo koox yar oo Caayilad ah, taas oo hada si weyn shacbigu indhaha ugu hayaan.

Hase yeeshee Digreetada Madaxweyne Siilaanyo xiligan kaga hadlay Iskaraabka dalka iyo qaabka loogu bixiyo qandaraas loo siman yahay, ayaa u muuqda mid hada Madaxtooyadu ku gar waaqsatay fadeexadaha maamulxumo ee is dulyaala, kuwaas oo ka dhashay mashaariicda qandaraasyada oo maamulkoodu ku koobnaaday oo keliya Madaxtooyada iyo Masuuliyiinta Wasaraddaha iyo Hay’addaha Dawlada oo iyaguna dhinacooda cida  ay doonaan siiya qandaraasyada, iyadoo aan la marin nidaamka sharciga iyo gudida qaran ee hawshaa awooda u leh.

Si kastaba  ha ahaatee waxa haboon in  Qasriga Madaxtooyada ee Madaxweyne Siilaanyo haddii aanay digreetadanu ahayn mashruuc mar horeba cid loo calaamadiyay  ay qorshaha ku darsadaan in mashaariicda iyo qandaraasyada laga maamulo qasriga loo daayo gudida awooda u leh bixinta qandaraasyada ee shaqo la’aantu waajahday. Kadib markii hawshoodii koox yari ka maamushay Madaxtooyada.   
Falanqaynta Shebekadda Araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *