Adis Ababa (ANN) Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku gacansaydhay fariin dawlada Britain uga timi oo nuxurkeedu ahaa inay Somaliland ka qaybgasho

 

shirka Bisha May ee fooda inagu soo haysa lagu qabanayo dalka Britain, kaas oo lagaga hadlayo sidii loo xoojin lahaa dawlada Somalia, isla markaana ay Somaliland hore marar badan ugu cel celisay in aanay ka qayb gelayn shirkaa.

 

Madaxweynaha  Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftigii uu hogaaminayay oo kusii jeeda dalka Turkiga  ayaa ku hakaday xarunta dalka Ethiopia ee Adisa ababa, halkaas oo ay ku kulmeen  Mark Simmonds oo ah Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan Dawlada Britain.

Sida ay sheegayaan warar dhinaca dublamaasiyada ah oo shebekadda wararka Araweelonews ka hashay halkaa, kulankaa oo saacado badan qaatay, waxay ujeedadiisu ahayd in Mr. Simmonds wasiirka Arrimaha Afrika ee Britain soo gaadhsiiyo  Madaxweyne Siilaanyo fariin uga timi Raysal wasaaraha Britain oo ahayd in Somaliland ka qaybgasho shirka dawlada Ingiriisku wado, balse Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku adkaystay sida ay wararka kulankaa la xidhiidhaa sheegayaan in aan Somaliland meeli uga banaanayn shirkaa oo aanay ka qaybgelayn horena ay u cadaysay mawqifkeeda shirkaa.

Ma jiro wax war oo ay xukuumadda Somaliland kasoo saaratay kulankaa, balse Wasiirka Britain  u qaabilsan  Arrimaha Mr. Mark Simmonds, waxa uu  sheegay in  ay Madaxweynaha Somaliland ka wada hadleen qorshaha shirka bisha May dawladiisu ku qabanay London iyo sidoo kale xidhiidhka labada dal.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *