helecobter dalibanAfganistan(Araweelo News Network)Kooxda Daalibaan ayaa gacanta ku dhigay Diyaarad kuwa dagaalka ah oo ay  leeyihiin Ciidamada NATO ee dagaalka kula jira kooxdaa.

 

Diyaaradaa oo ay saarnaayeen 9 sarkaal iyo Laba Beylood ayaa  si lama filaan ah ugu degtay garoon diyuuradeed oo dhaca gobolka Lohar ee dhaca xadka ay wadaagaan Afganistan iyo Pakistan. Kadib markii cilad dhinaca hawada ah ku timi Diyaaradaa.

 

Sarkaal u hadlay NATO ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in saraakiisha laqabtay ay u kala dhasheen 7 Turki ah,2 Ruush ah, 1 Afghanistani ah,warar hordhac ah waxay sheegayaan in dawlada Afgaanistan doonayso sidii wada hadal ay uga geli lahaayeen kooxda Daalibaan oo afduub u haysta diyaaradaa iyo dadkii saarnaa.

 

 

DowladaTurkiga ee saraakiisha laga qabtay ayaa qeyb ka ah ciidamada NATO  ee dagaalka kula jira Daalibaan, waxaana turkiga Afghanistan ka jooga in kabadan 1800 oo Askari.

 

Diyaarad  ay qabsadeen Daalibaan ayaa kasoo kicitintay Xarunta dalka Afganistan ee Kabul, waxayna usii jeeday   gobolka khost , balse si lama filaan ah ayay ugu degtay deegaan ay ka taliyaan Daaliban kadib cilad degdeg ah oo diyaaradda lasoo gudboonaatay, taas oo sababtay  in beylootka diyaaradda uu si lama filaan ah ugu dejiyo deegaankaa oo ay gacanta ku hayaan Daalibaan.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *