Hargeysa(Araweelo News Network)Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ka hadlay

guulaha dhinaca siyaasada debeda Somaliland gaadhay ee qadiyadeeda ay aqoonsiga ugu jirto oo uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo dalka usoo hooyay guulo siyaasadeed oo la taaban karo.
Sidoo kale waxa uu xusay inuu jiro faraq weyn oo u dhexeeya Somaliland iyo Somalia  iyo dareenada laba Madaxweyne ee Somaliland iyo Somalia marka ay safaro ugu baxaan debedaha iyo qaabka shucuurtooda tahay mid walba.

Wasiir Ku xigeenka Warfafintu  waxa uu sidaa ka sheegay kulan qado sharaf ah oo maanta xukuumadda Somaliland Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa ugu samaysay in ka badan 70 xubnood oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee warbaahinta, kaas oo lagu faaqiday sida loo sii xoojin lahaa in saxaafaddu ay taageerto qaranimadda iyo himilooyinka qaranku hiigsanayo iyo dedaalka xukuumaddu ugu jirto sidii ay uga midha dhalin lahayd aqoonsiga Somaliland.

Cukuse waxa uu sharaxaad ka bixiyay ujeedada kulankaa, isagoo uga mahad celiyay suxufiyiinta ka qaybaglay, wuxuuna xusay in saxaafada koriinkeedu la da’ayahay Somaliland. laakiin marar badan dadku ka cawdaan saxaafada, balse dedaal ay kusoo gaadhay halka ay maanta marayso.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/llaahi Cukuse oo ka hadlaya siyaasada aqoonsi raadinta xukuumadda iyo waajibka saxaafada wuxuu yidhi,  “Somaliland oo uu Axmed Maxamed Maxamuud (SIIlaanyo) Hoggaaminayo muxuu ku soo kordhiyay muddo laba sano iyo dheeraad ah, waa taas inaynu taas isha saarno oo toosh ku qabanyo muxuu soo kordhiyay?, iyadoo wixii ugu weynaa ee aynu doonaynay aqoonsi buu ahaaye’ halka uu soo gaadhsiiyay waa inaynu tooshka ku qabano ayaa ka wanaagsan inaad tooshka ku qabato cidhbaheenna, gondaheena iyo xaafadaheena,”
Cukuse oo ka hadlaya heerarka kala duwan ee ay kala taagan yihiin labada hogaamiye ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi,  “Maanta innaga iyo Soomaaliya muxuu ahaa farqiga u dhaxeeya labada madaxweyne, labada madaxweyne Mid Soomaaliya ayaa la yidhaahdaa marka uu diyaaradda fuulo ee uu dal kale la kulmo wuxuu la kulmaa maqaam madaxweyne waana la aqoonsan yahay saacadaa wuu qoslaa, wuxuu murugoodaa oo madoobaadaa marka uu Muqdisho ka soo dego,  waayo waxa uu garanayaa meeshaas inaanu dal dhisan iyo dawlad dhisani ka sii horayn.

Madaxweynaheena (Somaliland) Axmed Siilaanyo waxa uu duulaa isagoo faraxsan , waxaanu soo degaa isagoo faraxsan oo og inuu dal dhisan iyo dad dhisan uu u imanayo faraqa inoo dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya waa kaa, laynama  Ictiraafin laakiin waxaynu haynaa raasamaal iyo dawladnimo ayaynu haynaa raandhiis leh, iyagana (Soomaaliya) waa la ictiraafay, ictiraafkaasi ayay hayaan oo ammaah ah. Waxay ila tahay tartan imika kuma jirno labadeena dhinac waxase aynu nahay laba dal oo walaalo ah oo danina ka dhaxayso, waan u ducaynaynaa Soomaaliya inay raasamaalkaas dawladnimo gaadhaan,”ayuu yidhi Mudane Cabdilaahi Cukuse.

Wasiir Ku xigeenku waxa uu sheegay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu yahay Hoggaamiyihii u horeeyay ee Somaliland ee gaadha, isla markaana kulan la yeesha Raysal wasaareyaasha Britain iyo Turkiga, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waa Madaxweynaha soo dhaweeyay inuu qalin la saxeexdo madaxweyne Soomaaliya ah oo u ogol inay yihiin laba Madaxweyne oo siman. Markaa soo ma aha inaynu ku ixtiraamno oo aynu shiidka ka dayno saxaafad ahaan marka uu baxo.
Waxaan leeyahay saxaafadda inanka askariga ah ee xuduuda jooga ayaad la mid tihiin. Waxaana la idinka doonayaa inaad qalinka ku difaacdaan qaranka,”ayuu yidhi Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Dhinaca kale waxa kulankaa waano iyo talooyin ka jeediyay Odayaasha Saxaafada Muj Yuusuf Cabdi Gaboobe, Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab) iyo  Xuseen Cali Nuur, kuwaas oo si cad u sheegay doorka suxufiyiinta ee qadiyada qaranimada Somaliland iyo in aan laysku khaldin dhaliilaha gudaha iyo danaha qaranka oo meel looga soo wada jeesto.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *