Hargeysa(ANN)Dalka Ethiopia ayaa galay marxalad cusub. kadib markii uu geeriydooday Raysal wasaarihii dalkaa mudo labaatan sanadood ka badan xukumayay Males Zanawi, kaas oo maydkiisa la keenay xalay Adis Ababa, balse aan weli la shaacin

 

xiligga la aasayo iyo goobta lagu aasayo.
Geerida Males oo ahaa hogaamiye Madax adag, ayaa warbaahinta dunidu si weyn uga faallootay dhimashadiisa  oo saamayn ku yeelatay durba Mandaqada, waxayna  Dawladda Federalka Ethiopia gashay heegan weyn, iyadoo gebi ahaanba xuduudaha ay la wadaagto dalalka ay jaarka yihiin xidhay, isla markaana hay’addaha amaanka gudaha dalka laga geliyay heegan buuxa.
Boqolaal ciidamada Federaalka ayaa xalay lagu taxay xadka ay Ethiopia kala wadaagto Somaliland  dhinaca galbeed ee Jig-jiga, iyadoo sidoo kalena ciidamo sidaa oo kale la geeyay dhamaan xuduudaha dalkaa, taas oo ujeedadeedu tahay in aan xaalada kala guurka iyo mudada lagu mashquulsanyahay aaska hogaamiyihii dalkaa aanay ka faa’idaysan cadawgoodu, isla markaana aan waxba isaga bedelin xaalada amniga iyo nabadgelyo.
sidoo kale waxa gebi ahaanba ay dawlada Federaalku la wareegtay warbaahinta ismaamulada dalka, kuwaas oo inta xaalada lagu jiro ay dawlada Federaalku maamulay barnaamijyada iyo wararka laga baahinayo, iyadoo xalayba ay ciidamadaasi la wareegeen Telefishanka is maamulka Kililka Shanaad ee Ethiopia oo xaruntiisu tahay Jig-jiga.

Dhinaca kale  Xukuumadda Somaliland  oo xidhiidh ganacsi iyo cilaaqaad iskaashi oo dhinaca amaanka ah uu ka dhxeeeayo dawlada Federaalka Ethiopia, ayaa dhinaceeda heegan gelisay ciidamada iyo Ha’addaha amaanka, iyadoo dhinaca xadka ay la wadaagto Ethiopia, xeebaha usii jeeda gacanka cadmeed iyo meelo kaleba geysay ciidamo, taas oo qayb ka ah amaanka labada dal iyo inaan looga faa’idaysan kharbudaad mudada kala guurka ee dalkaa iyo baroordiiqda.

dhinaca kale waxa dalka Ethiopia kusoo qul-qulaya hogaamiyayaal caalami ah oo kasoo kicitimay dacalada aduunka, kuwaas oo doonaya inay ka qayb qaataan Aaska hogaamiyihii dalkaa oo la filayo in maalmaha soo socda lagu aaso gobolka uu kasoo jeedo ee Makala.
Si kastaba ha ahaatee dalka ethiopia ayaa galay marxalad cusub ee siyaasadeed,waxaana xilka Raysal wasaaraha la wareegay ku xigeenkii Hailemariam Desalegn, kaas  oo heyn doona ilaa laga gaadhayo doorashooyinka qorsheysan sanadka 2015, waxayna Dowladda Ethiopia  sheegtay in ay sii wadi doonto siyaasadihii Mr Meles.laakiin waxa jira su’aalo layska weydiinayo jihada siyaasada dalka Ethiopia oo saamayn weyn ku leh mandaqada Afrika iyo gobolka geeska Afrika oo Males uu si weyn uga dhexmuuqday siyaasadiisa. xidhiidhkii uu la lahaa dinida kale  iyo sidoo kale qaabka uu hogaanka cusubi u waajihi doono duruufaha siyaasadeed ee ku xeeran dalkiisa iyo kuwa ka jira gudaha oo kow iyo labaatankii sanadood ee Males ka talinayay dalkaa madaxa u dhigtay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
jaamac132@gmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *