Oodweyne(ANN)Dadweynaha Oodweyne, ayaa maanta si ballaadhan u soo dhaweeyey wefti uu hogaaminayo guddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADANI, isla markaana ah  guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wefdi uu hogaaminayo

 

oo socdaal ku marayay ilaa shalay Berbera, Togdheer,Oodweyne iyo deegaamada hoos yimaada oo ay xafiisyo ka furteen.
Weftiga guddoomiyaha oo saaka ka ambabaxay magaalada Burco oo ay  xalay u hoydeen, ayaa meel magaalada Oodweyne ka baxsan waxa kaga hortegey dad isugu jiray masuuliyiin, madax-dhaqameed, haween iyo dhalinyaro aad u tiro banayd oo ruxayay calanka iyo astaamaha u gaarka ah ururka WADANI, waxaana Wefdiga loo galbiyey xarunta cusub ee ururka oo uu guddoomiyuhu xadhiga ka jaray.

Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo halkaa kala hadlay dadweynihii faraha badnaa ee soo dhaweeyey, ayaa si weyn uga mahadceliyey sida ballaadhan ee ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Oodweyne.
Waxa uu guddoomiyuhu dadweynaha reer Oodweyne sharxay sababaha loo sameeyey ururka WADANI, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Ururka WADANI waa urur Somaliland leeyahay. Gobol qudhi malaha, qof keli ahi malaha, laakiin qaar ka mid ah madaxda ururkan dee reer Oodweyne ayaanu ka soo jeednaa, hasayeeshee waa urur bulshada Somaliland ku wada jirto.”
Waxuu intaa raaciyey oo uu yidhi “Ururka WADANI waxuu u taagan yahay waxa ugu muhiimsan laba arrimood; ta hore waxa weeye…Somaliland baahiyaha iyo dhibta haysataa aad bay u badan yihiin kuwaas oo ay ka mid yihiin biyo la’aan, caafimaadka oo xun, adeegga bulshada oo xun, waddooyinka oo xun, nabadgelyada iyo xasiloonida, waxaas oo dhan waxay kaga bixi kartaa iku duubnida ummada. Markaa waxaynu mar kasta u baahan-nahay midnimo qaran.”
Guddoomiyuhu waxa uu intaa ku ladhay oo uu yidhi “Ururka WADANI waxa uu markasta uu taagan yahay inuu ka shaqeeyo midnimada ummada. Ragga ku jiraana waa rag aynu ku aamini karno inay midnimo keeni karaan.”
“Arrinta labaad waxa weeye labaatankaa sano ee aynu halgamaynay, halgankaasi waxa uu ahaa inaynu ka mid noqo beesha caalamka oo aynu ictitaaf helno, ragga halkan garabkayga taagan waxa aan ku tuhmayaa inay wax badan ka qabanayaan ictiraafka oo ay ictiraaf keeni karaan.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inuu noloshiisha qayb badan oo ka mid ah inuu ku qaatay Oodweyne, isla markaana ay qorshaha ugu jirto inay wax badan ka qaban doonaan horumarinta gobolka Daadmadheedh, isaga oo si gaar ah uga codsaday dadweynaha reer Oodweyne inay codkooda siiyaan, taageeraana urur-siyaasadeedka WADANI.
Guddoomiyaha gobolka Daadmadheedh Yuusuf Ibraahim Geeddi [Yamaarug] oo isna halkaa hadalo kooban ka jeediyey, ayaa sheegay inay gobol ahaan soo dhawaynayaan weftiga uu hogaaminayo Guddoomiye Cirro. “Dadweynaha reer Oodweyne ee madax, haween, culimo aw diin iyo dhalinyaraba leh waxa aan idiinka mahadcelinayaa soo dhawaynta aad soo dhawayseen guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland ahna guddoomiyaha ururka WADANI iyo weftiga culus ee uu hogaaminayo. Walaaloyaal waxaan idin leeyahay soo dhawaada gobolku waa goblkiiniiye.” Ayuu yidhi Guddoomiye Yamaarug.
Waxa isna halkaa ka hadlay Xildhibaan Xaaji Maxamed Muuse oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in Ururka WADANI horseed u noqon doono isbedelka dhabta ah ee Somaliland u baahan tahay, isla markaana waxa uu meesha ka saaray inaanay xilligan wadin olole balse ay furayaan xafiisyadii ururka ee gobolada iyo degmooyinka.

Sidoo kale wefdiga gudoomiyaha Wadani ayaa  Dadweynaha Reer Burco ee Gobolka Togdheer si weyn  u soo dhaweeyeen Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu  xadhiga ka jaray Xafiiyadda  Gobolka Togdheer iyo Degmada Sheekh ee Ururka Wadani.
Qaybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Togdheer oo wata calamada Ururka Wadani iyo gaadiid aad u badan ayaa waftiga ka soo gelbiyay Degmada Qoyta oo 20 KM dhinaca waqooyi ka xigta Magalada Burco, isla markaasna waxa Guddoomiyaha Ururka Wadani uu kumanaan dadweynaha reer Burco ah kula hadlay barxada hore ee Xafiiska uu Ururka ka furtay Magalada Burco “Aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa dadweynaha reer Burco ee sida balaadhan ee kalsoonida iyo wanaagu ku jiro noo soo dhaweeyay, taasina waa mid aanu uga mahad celinayo.” Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi,  “Waxaan idin sheegayaa in aanan maanta u socon Olole lakiin aanu buuxinayno wajigii labaad oo aanu furayno xafiisyadii Gobolada madama oo aanu buuxinay wajigii labaad ee diiwaan gelinta Ururada, oo aanu bixinay lacagtii Diiwaangelinta,  isla markaasna aanu soo qaadanay warqadii diiwaan gelinta Ururka ee ku meel gaadhka ahayd, markaas Burco waa meelaha ajandaha Siyaasada laga ansixiyo, waxanan rajaynayaa inay ansixiyaan Ururka Wadani.:
Waxa kaloo halkaas ka hadlay Gudoomiyii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar “Waxaan dadweynaha reer Burco ka codsanayaa marka la gaadho Doorashada Golaha Deegaanka inay soo saaraan Ururkan Wadani ee uu hogaaminaayo Guddoomiye Cirro oo ah Siyaasi ruug cadaaya, markaas waxaan leeyahay soo dhawaw Ururka wadaniyow.”
Waxa isaguna halkaas ka hadlay Cismaan Ibrahim Afgaab oo ah Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Ururka Wadani ee Gobolka togdheer waxanu sheegay inay balaadhin doonaan xafiiska Gobolka, sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in Ururka Wadani uu noqon doona mid si balaadhan uga hana qaada Gobolka.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Ururka Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wafdiga uu hogaaminayey oo ka soo kicitimay Magalada Berbera oo ay u hoyden xalay, halkaas oo ay xafiisyo ka furteen  ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey degmada sheekh ee gobalka Saaxil, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay dadweynaha Magalada Sheekh. Sidoo kale Ururka Wadani waxa uu xafiisk akfurtay Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil
“Waxaanu halkan ka furaynaa Xafiiskii Ururku lahaa ee Degmada Sheekh, waxaanan idin sheegayaa inaan Dugsigii hoose iyo kii saraba aan kaga baxay iskuulada Sheekh, markaas waxaan samaynayaa balan- qaadkii ugu horeeyay ee Ururka Wadani kaas oo ah inaan Sheekh ka dhisi doono Jamacad, madaama oo ay leedahay iskuulo hoose iyo dhexe oo fiican.” Sidaas waxa yidhi Guddoomiye Cirro oo hadal u jeediyay Xafiiska cusub ee ururku ka furtay Degmada Sheekh.
Waxaa kaloo halkaas ka hadlay qaar ka mid ah Odayaasha Degmada Sheekh “Anagu haddii aanu nahay dadka degmada sheekh gudoomiyaha Waddani waanun soo dhawaynaynaa isaga iyo waftiga uu hogaaminaayo” sidaa waxaa yidhi mid ka mid ah Odayaasha Deegaanka.
Sidoo kale Cabdillaahi Siciid Dheere, Muuse Xaaji Muxamuud Guuleed (Muuse Inji), iyo Marwo Khadiija Xaaji Ismaaciil (Bandare) ayaa si kala duwan uga hadlay siyada Ururka Wadani iyo safarada ay ku marayaan Gobolada bari ee Dalka Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *