Hargeysa (ANN) Koox Ciyaartooy Somaliland oo lagu magcaabo (Goodir), kana tirsan naadiayada heerka koowaad ee Kubadda cagta ayaa booqasho ku tegey caasimada Jig-jiga ee ismaamulka kililka shanaad ee Ethopia. Kadib markii ay casuumad ka heleen dawlada
ismaamulka Deegaanka Soomaalida Ethiopia. Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay maanta wasaaradda arrimaha gudaha oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka wasaaradda
Maxamed Cismaan Dubbe, kaas oo qornaa sidan;-
“Ciyaartoyga heerka koowaad ee naadiga kubbadda cagta ee
ciidanka Booliska (Goodir) iyo madaxdooda ayaa maanta booqasho ku tagay caasimadda
Dawlad Deegaanka Soomaalida ee Jigjiga halkaas oo ay ciyaaro saaxiibtinimo la yeelan
doonaan dhigooda Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia.
Maamulka Dawlada Deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa halkaasi si diiran ugu soo
dhoweeyey ciyaartoyga iyo masuuliyiinta kooxda Goodir ee Somaliland.
Booqashadani waxay ka dhalatay go’aamadii ay bishii hore isla qaateen weftigii uu
hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland,Dr.Maxamed Cabdi
Gaboose iyo Madxweynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida , Cabdi Muxumed Cumar. Taas oo
waxyaabihii laga wada hadlay ay ka mid ahaayeen xoojinta isdhexgalka labada bulsho
iyo adkeynta nabadgelyada.
Booqashada ciyaartoyga kubbada cagta ee Goodir waxay bilaw u tahay isdhaafsiga
afkaarta, isfahanka iyo isdhexgalka labada dal ee Ethiopia iyo Somaliland, waxaana
la filayaa in dhowaan booqasho tan la mid ah ay Somaliland ku yimaadaan ciyaartoy ka
socda maamulka Dawlada Deegaanka Soomaalida ee Ethiopia.
Weftiga ka socday Somaliland oo booqasho ku tagay magaalada Jigjiga 28 November 2010
ayaa waxyaabihii kale ee ay ka wada hadleen madaxda dawlada deegaanka Soomaalida
waxa ka mid ah in la sii adkeeyo xidhiidhka labada dal ee dhinacyada amniga,
waxbarashada, caafimaadka iyo ciyaaraha.”
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380