Buuhoodle(ANN)Koox dablay ah oo maalmihii lasoo dhaafay deegaanka duleedka Buuhoodle ee dhowaan ciidanka qaranku kasoo ruqaansadeen ka afduubay Afar dhalinyaro ah, ayaa ku adkaysanaya inay haysanayaan afartaa nin ilaa xukuumadda Somaliland xabsiga

kasii deyso horjoogihii koox hore falal afduub iyo dilal uga fulisay Somaliland Jaamac Kuutiye oo ku jira xabsiga.
Warar laga helay  dadka deegaanka, ayaa sheegaya inay  kooxdaas  oo kasoo jeeda dadka deegaanku ay qaarkood  ka tirsan yihiin Al-shabaab, isla markaana ay dhalinyarada oo ay ku hayaan guri ku yaala koonfurta magaalada Buuhoodle, isla markaana ay  haysanayaan ilaa inta ay xukuumadda Somaliland sii deynay Jaamac kuutiye oo ahaa horjoogihii koox sanadihii 2002 iyo 2004, falal aragagixiso oo dilal  iyo afduub laga sameeyay Somaliland oo loo geystay dad ajaanib ah loo qabtay, balse sanadkii 2004 lagu qabtay magaalada Dhoqoshey  ee dhinaca hawdka magaalada Burco, iyagoo hawlgal ay afduub iyo dilal ka geysteen ka sameeyay Tuulada Dhubato ee bariga Hargeysa, isla markaana doonayay inay ka talabaan xadka.
Hase yeeshee waxa jira dedaal ay wadaan kooxo Odayaal ah oo doonaya in lasii daayo, balse ay kooxda haysta afartaa qof  ku adkaysanayaan in lasii daayo horjoogihii kooxdaa aragagixissada ah ee ku xidhan xabsiga Somaliland oo lagu magcaabo Jaamac Kuutiye.
Dhinaca kale  Maamulaha Dugsiga Hoose/dhexe ee lagu magcaabo Qaadi-Maxamuud oo ku yaala  Magaaladda Burco ee xarunta Gobolka Tog-dheer Jaamac Cabdi Xasan, ayaa  sheegay inay afarta qof ee la afduubay ahaayeen caruur Arday  ah oo wax ka baranjirtay dugsigaa.
Wuxuuna  ugu baaqay dableyda  reer Buuhoodle inay sii daayaan afartaa caruurta ah  oo sadex ka mid ahi wax ka baran jireen dugsigaas,  kuwaas  oo sadex maalmood ka hor lagu af-duubay duleedka  Kalshaalle iyo Maygaagle ee deegaanka Buuhoodle.
Sida lagu baahiyay shebekada Somaliland.Org, Maamulaha Dugsiga Qaadi- Maxamuud ayaa sheegay inuu ka xun yahay afduubka la afduubay ardaydaa oo uu tilmaamay inaanay wax siyaasad ah iyo aano midna ku lug-yeelankarin. Sidaa awgeed ay xoriyadoodii usoo celiyaan Ardaydaa.
Maamuluhu wuxuu  sheegay in sadexda Arday ee wax ka baran jiray dugsiga Qaadi-Maxamuud ee Magaalada Burco ay magacyoodu kala yihiin C/Kariim Saleebaan Aadan, Maxamed Axmed Caydiid iyo Jaamac Xasan Caydiid, wuxuuna  isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxaan aad iyo aad uga xumahay in sadex maalmood ka hor deegaanka u dhaxeeya kalshaalle iyo Maygaagle lagu afduubo afar dhalinyaro ah oo ka ugu weyn da’diisu tahay 15 jir oo sadex ka mid ahi ay wax ka bartaan dugsigan aan maamulaha ka ahay,  kuwaas  oo u caano doontay fasixii dhinaca Hawda magaalada burco-na oo ay ku  maqnaaayeen muddo bil iyo badh ku siman,”ayuu yidhi Maamule Jaamac Xasan Cabdi.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *