Iimaan FadalHargeysa(Araweelo News Network)Taliyaha Booliska Somaliland Sarreeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa xaqiijiyay  in laba nin oo xalay weeraray xarunta Wargeyska madaxa-bannaan ee Hubaal oo ka soo baxa magaalada

 

Hargeysa ay ka tirsanaayeen ciidanka Booliska. Sidaa awgeed ay sharciga horgeynayaan Ninka la qabtay kii kalena ay ku daba jiraan.

C/llaahi Fadal oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa waxa uu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Xalay markii abbaaro 12:00-kii habeennimo uu Booliska soo gaadhay warka sheegaya in xarunta Wargeyska Hubaal la weeraray ninkii ay shaqaalaha Wargeysku qabteen waa  la soo qaaday oo waxay Boolisku ku soo xidhay Saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa.”

Taliyaha Booliska Somaliland, waxa uu sheegay inay ciidammadu ku daba jiran oo ku hawlan yihiin sidii loo soo qaban lahaa Ninka baxsaday,  isla markana baadhitaan lagu wado ninka xidhan,, wuxuuna isagoo ka jawaabaya cida ka danbaysay weerarkaa iyo waxa ka jira in Madaxtooyada Somaliland ka danbayso ku dooday  in  aanu ka hordhacayn natiijada baadhitaanka ka soo bixi doonta, balse waxa uu meesha ka saaray in Masuuliyiin madaxtooyada Somaliland ka tirsani ka dambeeyeen abaabulka weerarka lagu qaaday xarunta Wargeyska Hubaal ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in baadhitaanka Boolisku wadaan natiijada kasoo baxda lagu ogaan karo oo keliya cidda ka danbaysa weerarkaa.

Sarreeyo Guuto C/llaahi Iimaan waxa yidhi, “Qof Booliska ka tirsani dembi wuu geli karaa, laakiin su’aashu waxay tahay maxaa laga qabtay? Waxaan idiin sheegayaa in labada nin ee falkaa weerarka ah ku qaaday xarunta Wargeyska mid ka mid ah gacanta lagu hayo, waana la baadhayaa. Ninka baxsadayna ciidanku way ku daba-jiraan oo gacantaa lagu hayaa baadhistiisa.” Ayuu yidhi.

Taliyaha Booliska oo la weydiiyey in Masuuliyiinta Wargeyska Hubaal ay sheegeen in weerarkaa ay ka dambeeyeen Saraakiil Madaxtooyada Somaliland ka tirsan. Sidaa awgeed ay calaamatu su’aal saaran tahay  in baadhitaanka Booliska ee raggaa uu noqdo mid caddaalaad  ah, wuxuuna isagoo arrintaa ka jawabaaya yidhi, “Ma jirto Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan oo ka dambaysay, manay ahayn in qolada Wargeysku baadhista ka hor-dhacaan, aniguna baadhitaanka socda ka hor-dhici maayo. Waxa dhacay waa kiis, kiiskaana baadhistiisii baa gacanta lagu hayaa, si caadi ah oo dhammaystiranna waa loo baadhayaa.” Ayuu yidhi Sarreeyo Guuto Fadal Iimaan.

Dhinaca kale weerarka xalay lagu qaaday Xarunta Wargeyska Hubaal waxa canbaareeyay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxayna arrintaa ku tilmaameen mid nasiib daro ah.

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *